Mustaqbalku waa wixii aad maanta wax ka qabato

Future.jpg

Hiigsashada (Goals) waxaa ay wax ka badashaa waxa jooga ee wax kama badasho waxa soo socda (future)

Waxaad leedahay shay aad hiigsaneyso. Mar walba dib ayaad u dhigtaa. Waxaad rabtaa in aad maalin uun qabato. Waxaad u danleedahay in aad wax ka qabato laakiin dhiiri gelin ayaad u baahantahay.

Hadaba iska hilmaan hiigshadaas maanta wixii ka danbeeya. Waa hiigsasho qaldan oo aan kuu fiicneyn.

Haddii ay ahaan lahayd hiigsasho fiican, mar hore ayaad meesha iskaga boodi lahayd oo wax ka qaban lahayd. Ma aadan sugteen. Wax kaa joojin karaa ma jireen.

Hiigsasho ma ahan wax mustaqbalka lagu hagaajinayo. Mustaqbal wax jooga maahan. Mustaqbalku waa wax maankaaga oo kaliya ku nool ee sidiisaba ma ahan wax jira oo xaqiiq ah. Ma kula tahay in January 1st, 2011 ay dadka Suuriyiinta aamin sanaayeen in maanta ay noqonayaan dad dalkoodii burburay! Waa maya. Mustaqbal Allah unbaa og sidaas daraadeed kuma xisaabtami kartid. Waxaa ku xisaabtami kartaa maanta.

Sidaas daraadeed waxa muhiim ka ah waa waxa maanta jooga iyo wixii aad ka yeesho.

Sidaas daraadeed hiigsashadaada(Goals) waxaad ku cabirtaa sida ama hanaanka wanaagsan ee ay wax kaga badalaan talaabooyinka aad qaadeyso waqtigaaga xaadir ka ah.

Hiigsasho (goal) xun waxay ku tiraahdaa sidaa iyo sidaa maalin unbaan sameyn.

Hiigsasho(goal) wanaagsan markaa ayaad talaabo qaadi oo fadhiga ka kici.

Hiigsashada xumi ma cadda, ciiryaamo ayaa ku gadaaman, waa wax mustaqbal ama fog. Hiigsashada wanaagsan waa kuu cadahay, waa cayiman tahay, waa dhow dahay oo waxaa moodaa in aad soo taaban karto.

Hiigsasho xun, waxaad tiraahdaa ma garanayo sidaan u bilaabi lahaa ama meeshaan ka bilaabi lahaa. Laakiin hiigsashada fiican waxaa leedahay waan ogahay talaabada aan qaadayo maanta iyo mida ku xigta.

Hiigsashada xun waxaad tiraahdaa “bal aan xoogaa ka soo fakaro, oo yara ku soo seexdo. Hiigsashada wanaagsan kama seexan kartid waayo beri subax hawshii iyo talaabadii aad ka qaadi lahayd ayaad sugi la’dahay.

Hiigsasho xun wadaa tiraahdaa markii aan hawlahaan soo dhameeyo ayaan sameyn doonaa. Hiigsashada fiican, ayada ayaad wax walba ka hor marisaa.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s