50 Shay oo nolosha kuu sahlaaya

Waxaan maanta saaxiibaday u soo gudbinayaa buugaagtii aan aqriyay 2016 macluumaadkii iyo notes kii aan ka qaaday. Waxaan is leeyahay wax yaabo badan ayaan ka faa iiday, haddii 50 kaan shay aad hal mid is tiraahdo faa iido ayuu ii leeyahay, qormadan mireheedii waa la helay.

Maadooyin badan oo aan jaahil ka ahaa ayaa wax iigaga iftiimeen intii aan aqrinayey buugaagtaas. Laakiin waxaan door biday in aan halkaan ku soo gudbiyo kuwa sahlaya qofku inuu noolaado nolol xoogaa yara faraxsan. Buugaagtan qaar waxay ahaayeen Islamic sida Al-Ubudiyyah: Being a True Slave of Allah oo qoray Ibn Taymiyah, Heartfelt Advice To A Friend oo uu qoray Ibn Qayim Al Jawziyah (waa talo uu u qoray saaxiib kiis Ala Al’Din) qaar na waxaa ay ahaayeen kuwo reer galbeed ay qoreen laakiin la isku raacay in ay ahaayeen buugaaga xaga nolosha dunida qiimo ku leh sida Examined Lives oo uu qoray Stephen Grosz, War of Art oo uu qoray Steven Pressfield, Ego is the Enemy oo uu qoray Ryan Holiday, Crucial Conversations oo ay qoreen Joseph Grenny, Kerry Patterson, Al Switzler, iyo Ron McMillan iyo buugaag kale oo fara badan.

Farxada kama bilaabato in aad dalxiis ku jirto, in aad haysato shaqo wanaagsan, in aad haysato lacag badan, in aad haysato xaas, in aad haysato ashyaada dunidaan.

Waxay ka bilaabataa markii aad indhaha kala qaadid oo aad soo kacdo ood aragto in aad nooshahay, wadnahaagu weli garaacayo oo aad tiraahdo

“الْحَمْدُ للهِ الَّذِي أَحْيَانَا بَعْدَ مَا أَمَاتَنَا وَإِلَيْهِ النُّشُورُ”.

(1) Waxaad ogaatay in lagu siiyay wixii aduunka ugu muhiimsanaa oo ah in naftaadii xalay lagaa qaaday laguu soo celiyey. Ka waran haddii aan nafta laguu soo celin lahayn. Sidaas daraadeed maalintaas waa in ay noqotaa maalin farxad ku bilaabata kuna dhamaata waayo naftaadii ayaa mar kale lagu yiri hoo, waan kuu soo celiyay…Subxaana Malikul Quduus. Nicma ka weyn oo lagu siin lahaa miyaa jirta in naftii lagaa qaatay xalay Allah uu noo soo celiyey?

(2) Noloshu ma sahlana laakiin waxaa aad u dhib yareeyey marba haddii naftii laguu soo celiyay ood neefsaneyso, waa in aad adigu is dhageysataa wax yar. Inta badan wax kasta waan dhageysanaa sida saaxiibadeen, waalidkeen, qaraabadeena, xaaskeena iyo caruurteena, laakiin waa wanaagsantahay in aad adiga codkaaga maqasho oo aad is dhageysato.

(3) Waxaad ogaataa in aadan binuu aadmi marnaba aadan qancin karin, waxaad tahay binuu aadmi oo adiguna qanci meysid marka ogoow in aad tahay binuu aadmi ku nool dunidaan oo ah mid aan dhamaystirnayn, waa qasab in noloshaada kala dhimanaato.

(4) Waa in aad marar badan tiraahdo wax fiican maya si aad u qabato waxa muhiimka ah. Ma awoodid in aad sameyso wax kasta. Qaado hawo, biyo cab oo xoogaa yara neefso waxaana kala doorataa waxyaabaha (choices) ka ku hor imaanaya adiga oo tix gelinaya waxa muhiim ka ah.

(5) Haddii uu jiro shay aad jeceshahay oo xiiseyso, maalin kasta waxaad talaabo u qaadaa ama wax ka sameysaa arintaas aad hamiga weyn u leedahay intay rabtaba ha gaadhee. Sidaas ayaa riyadaada ku xaqiijin kartaa.

(6) Mar walba waxaad is weydiisaa waxa aad sameyso waa maxay sababta aad u sameysaa? Jawaab fiican u hel sababta. Haddii aad jawaab fiican u hayso sababta mar walba waxaad qaadan go’aan wanaagsan.

(7) Qof yaqaan ma jiro waxa mustaqbalku keeni doono ama la imaan doono sidaas daraadeed waxa ugu fiican oo aad sameyn kartaa waa in aad u noolaato maanta sida ugu haboon ee aad u noolaan karto. Ha is dhihin beri ayaa wax is bedeli doonaan. Waa in aad maanta waxaad bedeli karto bedeshaa intaad awoodo.

(8) Waxaa laga yaabaa in aad in badan sugto in wado ama dariiq kuu soo baxo ama kuu furmo. Laakiin waxaad ogaataa in dariiq kuu furmo adigoon talaabo qaadin aysan ahayn mid dhacda. Markaad socoto oo aad dhaq dhaqaaq sameyso ayaa dariiq ka leexataa oo u leexataa mid jidkii toosnaa ku geeya. Weligaa iska ilaali in aad ku banjarto meel aan dariiq ka muuqan oo aad sugto in dariiq kuu muuqdo. Ma muuqan doono haddii aadan xarakaat la imaan.

 

(9) Yaysan dhicin in aad istiraahdo waxa ay ku danbeyn doonto maadaama aanan garaneyn arintaani waa in aanan bilaabin.Wax boqolkiiba boqol la hubaa aduunkaan waa yar yihiin. Banaanka markaad u soo baxdo oo aad la falgasho waxa jira ayaad arkeysaa wadooyin badan oo kuu furma. Markii uu waraabuhu xoolaha ku soo dhex ordo ayuu arkaa kan jaban ee haduu korkaas ka fiirin lahaa wuxuu arki lahaa xoolo wada fayow oo waa ka caajisi lahaa. Waa in aadan marnaba is oran meeshaan wax kama socon karaan. Xataa haddii meeshaas wax ka socon waayaan waxaa laga yaabaa in xafiis kale ama qof kale agtiisa wax ka socdaan. Weligaa ogow arintaas.

 

(10)                     Naftaada u ogolow in ay noqoto arday(Beginner). Qof ku bilaabay khabiir ma jiro. Samee waxa aad ku gaari karto qof aqoon u leh shaygaan markii aad gaarto heerkaasna ka sii siyaadii ilaa aad noqoto qaamuuska ama marjaca loo noqdo markii lagu wareero arinta.

(11)                     Ogow in aad arin la rafato oo ku daasho ayaa ka fiican in aad ku daasho maskax iyo maan ahaan adigoo waxba ka qabanin oo ka fadhiya.

 

(12)                     Wax u muuqda in ay yihiin arin dib u dhac keentay (Set back) ayaa waxay noqonaysaa fursad aad wax ku barato, ku soo saarto hab aad uga feejignaato iyo istiraatiijiyad shaqeyneysa

 

(13)                     Ogow in aad mugdiga ku soo xamaarato oo dhibaatooyin badan u soo dul qaadataa marar badan waxaa ay kaa dhigeysaa qof garta wanaaga isla markaana ka xamdiya kolkaad aragto iftiinka iyo guusha.

 

(14)                     Weligaa iska ilaali in fikirkaaga iyo waxa aad madaxaaga ku rogrogeysaa yihiin wixii dhabta ahaa. Waxaas murugada kugu hayaa waa waxa madaxaaga ka guuxaya ma ahan waxa dhabta ah ama dhici doona. Taas Allah ayaa og. Marka markaad xoogaa madaxaaga buuqaba ogow in ay tahay sheekadaada khiyaaliga ah ee wixii dhabta ahaa aysan dhicin lagana yaabo in ay dhiciba weydo.

 

(15)                     Dhibaatada mararka qaar ma ahan dhibaatadu ee waa waqtiga badan ee aad ku lumineyso ka fikirkeeda. Waxaad ka gaartaa go’aan ku dhisan macluumaadka aad ka hayso markaas horeyna uga soco.

 

(16)                     Adiga wax badan kuma lihid sida ay noloshu kuu soo wajahayso. January 17, 1995 waxaa magaalada Kobe in Japan ka dhacay dhul gariir sababay khasaare ah $200 billion USD, ay ku dhinteen 6000 ay ku dhaawacmeen 43000  isla markaana guryohoodii iyo ganacsigoodii ku waayeen 310,000 oo ruux. Hadaba maxaa ay ka qaban kareen arintaas ku dhacday wax ka yar 5 daqiiqo? Muxuu ka qaban karaa cunuga aabe iyo hooyo ku waayay? Ama naag ninkeedii ku geeriyooday ama mid ganacsigiisii ku baa ba ay. Waa waxba.

 

(17)                     Waa in aan baranaa sidii aan iskaga deyn lahayn wixii aan wax laga qaban karin. Soo majiraan wax aadan wax ka badali karin? Soo dadkaas Japan dhibku gaaray horey ugama socon oo ma aqbalin xaqiiqdaas. Sidaas oo kale waa in aad markaad aragto xaqiiqda darbiga ku qoran in aadan arintaan wax ka badali karin aad horey uga socotaa.

 

(18)                     Markii aad ogaato in aadan xaaladan wax ka bedeli karin oo aad aqbasho taas in aysan dhacayn, waxaa dhacaya isbedel la yaableh. Waxaa dhacaysa in aad adiga is bedesho. Markii aad adiga is bedesho ayaad arintii wax ka qabaneysaa oo aad leedahay maadaama aan aqbalayn arintaan in aan wax laga bedeli karin, waxaan noloshayda ka badalayaa intaan.

 

(19)                     Ha isku dayin in wax wablba aad xoog ku maroojisid oo ku meel mariso. Farqi ayaa u dhexeeya xoog iyo xirfad. Waxaad sameysaa inta awoodaada iyo caqligaaga ah iyo wixii aad la kaashan karto, laakiin waa in aad sugtaa miraha juhdigaaga ee aadan deg degin. Soo geed marka la beero miro ma dhalo? Sug miraha in ay dhashaan, laakiin hubi in mirihii aad meesha ku jiraan iyo wixii juhdi ah ee aad ka geysan karto.

 

(20)                     Wax walba adiga gacantaada kuma jiraan, laakiin waxaa gacantaada ku jira wixii aad ka yeeli lahayd.

 

(21)                     Iska ilaali in ciil iyo xanaaq ay ku indho iyo dhego tiraan. Kolkii aad xanaaqi lahayd ku bedel in aad hesho casharka meesha ku jira, kolkii aad cawryi lahayd ku bedel in aad ka hesho oo tiraahdo Maasha Allah, Meeshii aad ka murugoon lahayd waxaad ku bedashaa in aad talaabo ka qaado,  markii shaku ku galo, aamin Allah.

 

(22)                     Ha isku cabirin ama jimeyn dadka kale ee qayrkaaga ah, qof walbaa wuxuu soconayaa masaafadiisa Allah ugu talo galay, waxaad fiiro gaar ah u yeelataa talaabooyinka aad qaadeyso ee ha fiirin kuwa kaa horeeya adigoo cawryaya, u fiiri in aad cashar ka qaadato oo kaliya siday ku gaareen.

 

(23)                     Wax walba waxaa ay u baahanyihiin sabar iyo in aad sugto. In aad ku sabartaa dhibaatada, hawsha culus, iyo rafaadka waxaa ku jira ajar aad u weyn xaga Rabi. Marka adiga ma ogaan kartid inta ajarkaas la egyahay. Ka waran haddii sabarkaas aad soo sameysey oo intaa dhibaato ku sabartay aad Janada ku gasho.

 

(24)                     Waxaan ku jirnaa waqti iyo dhaqan u bartay wax walba in ay ku dhacaan mudo gaaban. Laakiin ogow sabar, shaqo badan, iyo haynta jid dheer ayaa wax kasta oo qiimo leh lagu gaaraa aduunka. Adigu ku joog jidkaas in aad wax qabato, energy iyo waqti geliso, ka baaraan degto oo aad shaqo wanaagsan qabato marna yuusan caajis iska fadhi ah kugu dhicin.

 

(25)                     Jidkaas horumarka, wax barashada, iyo in aad dadka u faa iideyso adigu hay. Xataa haddii aadan garaneyn waxa kaa soo galaya ogow Allah wanaaga aad sameyso marnaba kaa qasaarin maayo. Xataa gaaladii ayaa la yiri wanaaga ay sameeyaan aduunkaa lagu siinayaa. Maxay kula tahay adigoo Muslim muwaxid ah!

 

(26)                     Ogow marar badan waxaa laga yaabaa in Allah uusan ku siin dadka iyo xaalaadka aad rabto laakiin uu ku siiyo dadka iyo xaalaadka aad u baahantahay. Farqi ayaa u dhexeeya waxa aad rabto iyo waxa aad u baahantahay.

 

(27)                     Ogow dadka uguma fiican kuwa ugu xooga badan ama ugu caqliga badan, laakiin waxaa laga yaabaa inuu ka fiicnaado kooda ugu wanaagsan sidii uu u maamuli lahaa markii uu ku yimaado is bedel cusub. Weligaa ka faa iideyso markii uu isbedel kugu yimaado, oo ha u qaadan wax xun. U arag in ay tahay raxmad laguu soo diray si aad qof ka fiican kii hore ee aad ahayd aad noqoto.

 

(28)                     Waxaad ogaataa in anagoo dhan sidaan binuu aadmi u nahay aan ku dhacno qayb nolosha ka mid ah (We all fail). Laakiin ogow in hal dhicid aysan ahayn mid qeexda nolosheena. Waa in aan qiranaa in aan ku dhacnay meeshaas, waa in aan cudur daar ka bixinaa mar mar, waa in aan wax ka baranaa cashar ah, waa in caqli nooga kordhaa, kadibna waa in aan intaan habaaska iska jafno, dariiqa horumarka sii haynaa. Waa xaqiiq ka mid ah nolosha binuu aadmiga.

 

(29)                     Waxaad ogaataa wax iska joogayaa ma jiraan oo aan ka ahayn Allah, Jalla Jalaaluhu (Nothing is permanent except Allah) Markii aad intaa ogaato waxaa kaa baa ba’aya cabsida ah in aad shay ku dhaganaato. Haddiiba wixii ugu

 

(30)                     Waxaad kaloo aqbashaa in uusan jirin shay siduu ahaa dib ugu noqonaya. Wax walba waxaa ay leeyihiin dhamaad. Dhamaadkaas ayaa ah, bilow cusub.

 

(31)                     Adiga ayaa is ka leh khiyaarka in aad ahaato qof niyad fiican oo xor ah ama qof xabsi uu geliyey fekerkiisa. In aad ku fikirto wixii la soo dhaafay ama in aad Allah ka rajeyso mustaqbal fiican.

 

(32)                     In aad niyad fiican leedahay (Positive thinking) ma ahan in aad mar walba filato wanaag. Ee waa aqbalaada waxii kugu yimaada mar walba, una isticmaasho sida ugu wanaagsan xaaladaas adigoon qoomamo iyo murugo ku mashquulin.

 

(33)                     Markaad aragto qof qoslaaya oo faraxsan ha u qaadan in noloshoodu ay boqolkiiba boqol hagaagsantahay ee u qaado inuu yahay qof yididiilo wanaagsan xaga Allah ka rajeynaya oo adiguna sidaa oo kale ugu muusoo.

 

(34)                     Binuu aadmigu wuxuu ugu wanaagsan yahay kolkuu faraxsanyahay marka haddii qof uu si xun kuula dhaqmo ama kuula hadlo, ogow waa qof dhibaateysane, sidaas daraadeed nabad iyo salaam intaad tiraahdo adigu wadadaada sii hayso.

 

(35)                     Waayeelnimada waxaa ka mid ah barashada in aad hore uga socoto markay kula soo deristo xaalaad wax yeelo ku sameynaya maskaxdaada, shaqsiyadaada, diintaada iyo naftaada oo intii sharafkaaga, diintaada iyo dadnimadaada ku dhaawacmi lahayd aad adigu qaadato wadada sare kana dhex baxdo murankaas iyo ismaan dhaafkaas oo tiraahdo “Peace”.

 

(36)                     Markii qof uu kuula hadlo si xun, dhoola cadeey hana ku af-celin ee qaado tan wanaagsan (waxaa ay hadalka xun kuu leeyihiin waa in aad jawaab ka bixiso) waayo haddii kale derbiga ayuu cayn lahaa. Taas waxaa ay keeneysaa in adiga ay awoodii kugu soo wareegto si sahlan. Adiga ma ogaan kartid laakiin kolkii aad ka dhaqaaqdo waa is cuni oo dareen weyn ayaa ku dhalanaya. Intii aan dagaal galay noloshayda waxaan ka qoomameeyaa oo weli xasuustaa kuwii la ii jawaabi waayey, waayo waxaan ogsoonahay in la iga raayay.

(37)                     Markii aad ku nooshahay nabad xaga maanka iyo qalbiga kaas oo qof kaa qaadan karaa uu jirin waxaad ka arkaysaa is bedel weyn ka arkaysaa waxa aad sameyneyso iyo jirkaaga

(38)                     Ma fiicna in wax kasta oo aad sameyneyso aad u sheegto dadka. Waa mida koowaade, haddii wax fiican ay yihiin waxaa wanaagsan in shayqii markaad sameyso ay dadku arkaan ee hadal badan aadan ku wareerin ummada, haddii uu yahay shay xun, Allah weydiiso danbi dhaaf, dadkana ha ku dhex faafin xumaan.

(39)                     Iska ilaali in aad ceebeyso binuu aadmiga gaal iyo Muslim intaba. Haddii uu muslim yahay kaba sii daran. Haddii uu yahay wax ummada khatar ku ah, asaga ka waani, dadkana uga dig haddiii uu joojin waayo. Haddii wax naftiisa kaliya ah ay tahayna asaga ka waani, hadduu ka hari waayo, dadka ha u sheegin ee qari sirtiisa u xifdi.

(40)                     Dagaal ha u galin in aad necebtahay waxa ku horyaal ee u dagaalan in aad jeceshay waxa kaa danbeeya ee aad u dagaalameyso. Dadka iyo dalka kaa gadaaleeya dartood u dagaalan.

(41)                     Ha ka dhigin cadow dadka aad wax isku qilaaftaan oo ha noqon wixii aad ayaga ku nacday laftaadu. Markii aad galeyso muran isku day haba yaraatee in aad macluumaad sax ah ka hayso arinta. Marka horena dhageyso dhanka kale intii aadan fikradaada soo bandhigin. Weydii su’aalo arinta kala cadeynaya sida tusaale yaal caam ah iyo kuwo qaas ah.

(42)                     Weligaa ha ka qoomameyn in aad noqoto qof wanaagsan ama wanaag aad u sameysey qof aan noqon qofkii aad moodeysey. Waayo wanaagu adiguu kaa tarjumayaa, xumaantiisuna asaga ayay tarjumaan ka tahay.

(43)                     Xusuusi dadka in ay yihiin dad qiimo leh oo wax ku ool ah. Waxaa laga yaabaa niyad aad u dhistay qof ay maalin ka jajabantahay in ay kalifto inuu boorka iska jafo ama farxo oo uu markaa energy ka helo intaas.

(44)                     Mararka qaar orodka badan waa laga fiican yahay, iska yara soco marba haddii aad wadadii wanaaga iyo horumarka iyo wax barashada hayso.

(45)                     Kala saar baahidaada iyo doonistaada. Dabool baahidaada inta aadan daboolin doonistaada.

(46)                     Noloshaada oo dhan ha ka buuxin qorsheyaal. Deyso firaaqo aad ku fekerto, wax ku aqrisato, dadka wax ugu tarto.

(47)                     Mar kasta ha isku deyin in aad gaarto oo sameyso wax weyn, waayo waxaad hilmaameysaa wixii yar yaraa. Caruurtaada dhalashadooda, wixii iskuulka looga soo dhigay, in aad sheeko u aqriso ayaa mararka qaar ka wanaagsan in aad lacag badan soo shaqeyso oo aad waqti u weyso arimahaas yar yar.

(48)                     Is bar in aadan mar walba guriga ku soo noqon adigoo faro maran. Xaajiyada shay suuqa uga soo qabo aysan filanayn.

(49)                     Ha xiiqin saaxiib, waxaad tahay qof fiican, isku filan, haysta wuxuu cuni lahaa maanta, haysta guri iyo sariir uu ku jiifto, caafimaad qaba, saakana waxaa laguu soo celiyey naftaadii xalay lagaa qaatay. Arintu sidaad moodeen maahan.

(50)                     Waa in aan ka mahad celinaa waanaga Allah maalin walba nagu maneystey iyo kuwa khalqigiisa uu noo soo diray nagu caawinayaan. Allah waa noo siyaadinayaa haddii aan ku mahad celino, yaa garanaya siyaadada Allah intey la egtahay, samaawaadka iyo arlada iyo inta u dhexeysa asaga ayaa gacanta ku haaya. Waalidka iyo wixii ku soo koriyay waa ku xigaan. Xaajiyada ilamaha kuu haysa, guriga kuu nidamineysa arimahaaga ku hawlan in aad tiraahdo waad mahadsantahay shaqada wanaagsan eed qabatay waxaa ku jira raganimada waana shay Allah loogu dhowaado.

Gaalo iyo Muslim ninkii wax kuu taray ama kuu tara waa in aad ku tiraahdaa waa mahadsantahay. Xataa macalimiintaadii jaamacada ama iskuulka waa in aad mar mar ku tiraahdo waan fiicanahay waad ku mahadsantihiin intii talo iyo taakuleyn aad ila soo garab istaagteen.

Mar marka qaar waa in ay mahad celintu noqotaa hadiyad markaad soo baxeyso ama meel aado aad soo xusuusato kuwa wax kuu taray.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s