Sidee ku badali kartaa waxii aad caadeysatey

By Cali Cusmaan ccusmaan@gmail.com

Empty walkway runs through tall bamboo tree garden with sun light

Culimada sayniska ee cilmigaan baartaa waxaa ay qeexeen afar (4) qodob oo silsilad ahaan iskugu xiran oo maamula qofka waxa uu caadeysto.

  1. Kiciye ama dareen ama signal: Waxaa qofka ku dhalinaya inuu bilaabo caadadaas waa (A) Dhawaaq sida telephone ka garaaciisa oo kale (B) Shay ama walax sida sigaarka, Facebook App, Qaadka ama WhatsApp oo kale (C) Goobta ama Meesha sida garoonka kubada lagu ciyaaro, maqaayada, marfashka, rugta shiishada, masaajid iwm (D) Waqti sida habeenkii, galabkii ama subixii.
  2. Damac ama Dareen: Waxaa kugu dhalanaya dareen xoogan kuguna oranaaya ku dhaqaaq wixii aad caadeysatay sida in aad ka jawaabto telefoonkaas in aad ku dhufato Facebook iyo Whatsapp oo aad fiiriso wixii intaad ka maqneyd soo galay. Waxaa ka mid ah in aad qamaar dhigato ama aad sigaar jeebka ka soo bixiso ama marduuf qaad ah aad soo gadato. Khubarada cilmigaan waxay yiraahdeen waxaa qofka maskaxdiisa buuxinaya maadada Dopamine maskaxda qofka intuusan ku dhaqaaqin damaca ama dareenkaas in ka badan marka uu sameynaayo ama ku guda jiro caadadaas in ka badan.
  3. Jawaab Celin: Waa ficil ka aad ka bixineyso damacii iyo dareenkii xooganaa ee aad dareentay sida in aad telefoonka jeebka kala soo baxdo ama sariirta agtiisa ka soo qaado oo aad fiiriso, in aad sigaar jeebka kala soo baxdo, in aad marduufka qaadka dabakaayada ka qaadato waa sameyn ta aad ku dhaqaaqday ee wixii aad sameyneyso Jawaab celintu.
  4. Abaalmarin: Waa dareenka raaxada leh ee aad dareemeyso markii aad fulisay wixii aad caadeysatay, markii aad Facebook fiirisay oo aad daawatay wixii asxaabtaada soo geliyeen ama ay LIKE saareen, markii aad sigaarkii afuuftay ama qaadkii aad raabsatay ee aad dareentay Nicotine kii, markii aad TikTok ku dhufatay ama Whatsapp oo aad yara qosol ku dhufatay.

Qubarada cilmigaan waxaa ay yiraahdeen waxaa wanaagsan qofku inuu badalo waxyaabaha keeni kara ama kicin kara ama signal ka kugu dhalinaya caadada xun. Tusaale, haddii mushkiladu kaa haysato Facebook waxaad ka saartaa telefoonkaaga oo ha ka soo degsan Khadka. Haddii mushkiladaadu tahay qaadka waxaad ka fogaataa dadka cuna, meelaha lagu cuno iyo haddii aad kareyso in aad ka fogaato wadamada lagu cuno qaadka. Marka hore ka feejignoow waxa kugu dhalin kara in aad xasuusato ama si sahlan ku sameyso caadada xun. Haddii aad wax aqrineyso is bar in aadan ka jawaabin telefoon kasta ee waxaad sameysaa in aad ka jawaabto telefoonka muhiimka ah.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s