Sidee Singapore Musuqmaasuqa ku ciribtirtay?

Cali Cusmaan ccusmaan@gmail.com

Waddanka Singapore waa dal ku tilmaaman maamul wanaag iyo musuqmaasuq yari. Waa waddan loo soo qaato tusaale xag waxbarasho fiican iyo caafimaadka oo heersare ah. Waa dal ku jira dalalka ugu haboon in ganacsi laga bilaabo ama lagu asaaso. Waa dal si fiican u dhisan ha ahaado dhanka wadooyinka, dhanka ciidamadda, dhanka garoomadda dayuuradaha, dhanka dekedaha. Waa wadamada ugu horeeya xagga isgaarsiinta internet ka. Waa dal xiriir fiican la leh dhamaan deriskiisa aduunkana ku leh magac weyn iyo maamuus.

Lee Kuan Yew waxa uu raysulwasaare (Prime Minister) ka ahaa Singapore mudo afartan (40) sano ah oo aan kalo go ku jirin. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay Aabihii dalka Singapore. Mar waraysi lala yeeshay waxaa la weydiiyey: Ma noo sheegi kartaa arinta kuu sahahashay in aad gaarto horumarkaas la taaban karo mudadaas yar adiga oo dalkaagu uusan lahayn wax khayraad ah? Waxaa uu ku jaawabay: “Ciribtir musuqmaasuqa ayaa noo sahashay in aan gaarno horumarkaas” Haddaba sidee ayuu Lee Kuan Yew ku ciribtiray musuqmaasuq?

Dhexdhexaadkii 1950’s waxa uu gumeysigii Ingiriiska kaga tagay dalka Singapore sharci dejin daciif ah, shacab aan waxbarasho lahayn, shaqaale mushaarkoodu yaryahay, dhaqaale burbursan, musuqmaasuq baahsan iyo mustaqbal mugdi ah.  Waxaa la yiri maalintii Singapore loo dhiibay Lee Kuan Yew murugo ayuu la ooyay, waa markii uu si fiican u arkay meesha dalkiisa ku suganyahay dhan walba wuxuu ahaa wadan aan rajo fiican lahayn oo quus ku dhow.

Lee Kuan Yew iyo xisbigiisii la oran jiray “People’s Action” ayaa doorashidii ku guuleystey ayaga oo halhayskooda doorashadu ahayd “You want to fight corruption? Then, be ready to send to jail your friends and relatives” oo afka soomaaliga ku noqoneysa “Ma dooneysaa in aad la dagaalanto musuqmaasuq? Hadaba u diyaar garoow in aad xabsiga dhigto saaxiibadaa iyo qaraabadaada”

Hadaba waxaa xusid mudan in afar qodob oo muhiim ah ay u sahashay in Dawladii Singapore ay ciribtir waara ku sameyso musuqmaasuqa oo ka suuliso dhamaan dalkaas waxa loo yaqaan musuqmaasuqa. Qodobadaan sahlay ciribtirka musuqa waxaa ay ahaayeen afar (4) qodob:

1.         Qodobka 1aad: Aas aaska hay’ad madax-bannaan oo la dagaallanta musuqmaasuqa.

Waxaa xusid mudan in dawladii isticmaarka ee Ingiriisku kaga tagtay dalka Singapore xafiis la oran jiray “Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa” ama afka ingiriiska “Bureau of Corruption Investigation (BCI)” laakiin awooddiisa waxay ahayd mid aad u jahwareersan. Shaqaalah xafiiskuna waxaa ay mashquul ku ahaayeen kiisaska yaryar ee qaybaha hoose iyo dhexe ee bilayska, wax kormeer ahna ma aysan lahayn. Lee Kuan Yew ayaa si weyn u xoojiyay xafiiskaas BCI waxaana lagu sameeyey isbedelo waaweyn oo u yeelay miciyo uu wax ku qaban karo iyo madax banaani xalaal ah oo gaarsiisay in xafiiskaas uu baaritaan markii danbe ku sameeyey Lee Kuan Yew laftiisa.

2.         Qodobka 2aad:  Xasaanadda siyaasinimo oo difaaci karin mas’uuliyiinta lagu helo musuqmaasuqa:

Dhamaan masuuliyiinta dawlada, saraakiisha iyo qoysaskooda waxaa loo diiday in ay isku difaacaan xasaanad, waa haddii lagu tuhmo ama lagu helo musuqmaasuq in ay faraha la galeen. Wakiilada Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa (Bureau of Corruption Investigation (BCI) ) waxay xaq u leeyihiin inay baaraan oo koontaroolaan xisaabaadka bangiga ee saraakiisha dawlada iyo weliba hantida kale ee carruurtooda, xaasaskooda, qaraabadooda iyo xitaa saaxiibadooda. Haddii la ogaado in nin dawladda u shaqeeya naftiisa, ama xaaskiisa, ama caruurtiisa, ama qaraabadiisa, ama saaxiibadiisa dhow dhow ay helaan ama haystaan hanti aysan horey u haysan jirin intuusan xilka qaban waxaa si deg deg ah Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa u bilaabi karaa baaritaan toos ah iyada oo aan wax amar hore ah laga soo qaadin maxkamad ama xafiis kale.

Waxaa awood aad u badan la saaray in sharciga lala tiigsado dadka meelaha waaweyn ee dawlada fadhiya sida wasiirada, garsooreyaasha maxkamadaha, booliiska, iyo dhamaan ilaha dawlada ay dhaqaalaha culus ka soo galo.

Waxay kaloo dawladu ka deysey hawlaha yaryar ee shacabka loo qabto in ay noqdaan lacag la’aan si aan laaluushba meesha u imaanin.

Waxaa kale oo awood loo siiyay in maxkamadu ay dhamaan xoolaha lagu helay musuqmaasuqa ay gacanta ku dhigi karto dhamaan. Wax haba yaraatee lagu qaatay musuqmaasuq ma dhici karto inuu ku raaxeysto nin dawlada u shaqeyn jiray, xataa haddii muddo dheer ka soo wareegto.

Sanadkii 1989 waxaa ganaaxa musuqmaasuqa loo sii kordhiyay boqol kun ee doolaar ($100,000) ka Singapore meeshii uu awal ka ahaan jiray toban kun. Waxaa laga dhigay dembiga ugu weyn ee qof geli karo dalka Singapore inuu been u sheego dembi baarayaasha Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa. Waxaa xusid mudan intii uu xafiiskaan jiray inuu dhowr jeer baaray Ra’iisul wasaaraha dalka qudhiisa iyo reerkiisa ayna baaritaankaas ka soo baxday inuusan Prime Minister ka iyo qoyskiisa midkoodna lunsan hanti dawladeed. Waxaa kaloo xusid mudan in Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa ee dalka Singapore uu xabsiga dhigay dhowr wasiir oo ka tirsan dawladda federaalka, hoggaamiyayaasha ururada shaqaalaha, hogaamiyayaasha bulshada iyo madaxda sare ee shirkadaha dawladda, kuwaas oo Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa ku helay musuqmaasuq ay sameeyeen.

Tanaasulkii iyo garab siintii madaxda oo la joojiyay. Waxaa tusaale kuugu filan sida loo adkeeyey la dagaalanka musuqmaaqusa dalka Singapore. Wasiirkii cimilada ee la oran jiray Wee Toon Boon ee sanadkii1975, wuxuu safar ku aaday dalka Indonesia asaga iyo qoyskiisa. Waxaa bixiyay safarkaas qarashkiisa shirkad dhisaysay guryo ay u dhiseysey shaqaalaha wasaaradiisa. Waxaa kaloo ay shirkadaasi siisay wasiirkaas guri joogay shan boqol oo kun ee lacagta Singapore. Waxaa kale oo aabihii bangiga ka qaatay laba deymood oo middiiba tahay sadex boqol oo kun oo shirkadaas ay damiin ka noqotay. Markii Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa uu soo ogaaday, wasiirkaas waxaa lagu xumkumay afar sano iyo lix bilood. Waxaa kale oo dawladu ka dhacday dhamaan hantidii lagu siiyay sida xaaraanta ah ee musuqa ku dhisneyd.

Mushaarka Shaqaalaha Dawladda iyo Noloshooda oo la is garab dhigo: Waxaa aad loo ilaalshay in shaqsiga shaqaalaha dawladda noloshiisa iyo mushaarkiisa ay is qaban karaan. Taas macneheedu yahay in nin karaani ka ah xafiis ka mid ah xafiisyada dawladda oo mushaarkiisu yaryahay laakiin ku nool nolol qaali ah oo mushaarkaas uu qaato uusan u saamixi karin, in baaritaan lagu sameeyo.

Waxaa kale oo arintaan sii caawiyay in laga badalay in dawladu cadeyso in aad wax xaday oo loo wareejiyay in qofkii tuhun musuqmaasuq galay asagu uu yahay mid laga rabo cadeyn. Haddii nin masuul ka ah qayb ka mid ah dekedda lagu helo asagoo guryo dhaadheer dhisanaya, ninkaas waa dambiile ilaa uu cadeyn sax ah ka keeno inuusan lacagtaas si xaaraan musuqmaasuq ah ku soo gelin. Ma ahan in dawladu soo cadeyso in aad xaday iyo in kale maadaamo aysan dhici karin in mushaarka aad dawlada ka qaadato aad ku dhisto dhulkaas ama guryahaas.

Tusaale kale, waxaad tahay nin wasiir ah, oo markii jagada laguu dhiibay wax haba yaraatee lacag ah ama hanti ah oo aad sheegatay ama lagaa tiriyay ma jirin. Markii aad xukunka haysay lix bilood ayaad guri weyn dhisatay ama dalka dibadiisa ka gadatay guryo. Wasiirkaas dawladda Singapore agteeda wuxuu ka yahay nin sameeyey musuqmaasuq oo danbiile ah intii uu ka keenayo cadeyn sax ah in uusan lacagtaas ku helin musuqmaasuq.

Kolkii hore, dawlada ayaa laga rabay in ay soo cadeyso in aad lacagtaas xaday iyo in kale. Hadda laakiin waxaa loo bedelay sida kale taas oo shaqadii u dhib yaraysay Xafiiska Baarista Musuqmaasuqa.

Haddii markaas ay dhacdo in uu masuulkaas soo cadeyn waayo sida uu ku keenay hantidaas, waxaa lagu soo rogayaa xoolihii oo dawladu la wareegto, asaga oo ganaax adag oo lacag ah la dul dhigo, iyo weliba asaga oo xabsi dheer lagu xukumo laguna soo bandhigo bogga hore ee joornaaladda madax banaan waxa uu sameeyey oo halkaa ceeb weyn ay ka raacdo.

3.         Qodobka 3aad: Mushaarkii oo la badiyay si daacadnimo loo helo:

Markii uu qodobada koowaad iyo labaad ee ciribtirka musuqmaasuqa sameeyey, Lee Kuan Yew wuxuu soo saary oo ku dhawaaqay in shaqaalaha dawladda la siiyo mushaaraadka ugu badan sababtoo ah waa ay u qalmaan, waa haddii la rabo in la helo shaqaale matalaya xukuumad hufan oo daacad. Lee Kuan Yew wuxuu ku dooday, haddii mushaar aan ku filneyn la siiyo shaqaalaha dawladda, waxaa ay ku dhacayaan ama ay sameynayaan musuqmaasuq. Kordhinta mushaarka shaqaalaha dawladda waxaa kale oo ka dhashay in dawladdu ay soo jiidato ardada ugu buundada badan jaamacadaha iyo weliba dadka khubaradda ah ee takhasuska gaarka ah leh, isla markaana kala wadi kara hawlaha shaqada dawladda.

Dalka Singapore waxaa isla markiiba bilowday inuu dhaqaalihiisu si xawli ah u kobco isla markaana  Lee Kuan wuxuu bilaabay inuu sii kordhiyo mushaharkii shaqaalaha asagoo barbardhigaya ama ku jimeynaya lacagta ay qaataan shaqaalaha ganacsiga gaarka loo leeyahay. Waxaa uu gaarsiiyay mushaarka shaqaalaha rayidka ah iyo garsoorayaasha maxkamaddah, iyo booliiska mushahar u dhigma kuwa ay qaataan madaxda shirkadaha madaxa banaan ee ganacsiga.

Laakiin Lee Kuan Yew intaa ugama harine, waa uu sii balaariyey mushaarka wasiirada, garsooreyaasha iyo shaqaalaha rayyidka ah oo wuxuu si toos ah ugu xiray dakhliga ka soo xarooda canshuuraha. Ilaa maantadan aan joogno dalka Singapore shaqaalaha dawladda waxaa lagu qiyaasaa 2/3 dhaqaalaha soo gala dadka u shaqeeya shirkadaha waaweyn ee gaarka loo leeyahay. Taas oo macneheedu yahay ninka u shaqeeya dawladda Singapore iyo ninka u shaqeeya shirkadaha ganacsiga ee gaarka loo leeyahay ee dalkaas waa isku mushaar, haddiiba uusan kan dawladdu mushaar badenyn.

4.         Qodobka 4aad: Warbaahinta:

Waxaa la sameeyey warbaahin madax banaan oo si hufan war sugan oo xalaal ah soo gudbineysa. Waxaa laga doonayaa warbaahintaas in ay dhammaan kiisaska la helay ee musuqmaasuqa ay si hufan oo eex iyo xishood toona ku jirin ay u soo gudbiyaan. Shaqsigii lagu helo musuqmaasuq wuxuu noqonayaa mid laga helo bogga koowaad ee joornaaladda ka soo baxa dalka.

Afartaas qodob ee aan kor ku soo xusay ayaa u sahashay in dalkaas yar ee Singapore oo ahaa dal faqiir ah, waxbarasho lahayn, aan lahayn wax khayraad ah isla markaana jiritaankiisa iyo mustaqbalkiisu mid mugdi ku jiray in muddo ka yar afartan sano uu noqday dal uu aduunku ka dhigto tusaale xagga maamulka wanaagsan, waxbarashada, caafimaadka, dhismaha iyo weliba nabadda.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s