kaligaa

Waxaad aqrisaa adiga oo mahdin iyo shukri uu qalbigaaga ka buuxo.

 

Waxaad aqrinaysaa qormo aan adiga kuu qoray, oo aan kaaga soo gudbinayo meel kaa durugsan kumanaan kiilomitir meesha aad joogto. Taas oo uu Allah oo keliya mahadeeda leeyahay waayo asaga ayaa wuxuu qasbay in kumanaan ingineero, kumanaan khubarada kombuyuutarka, kuwa korontada iyo shaqaalaha warshadaha soo saara telefoonada iyo kobuyuutarada noo carbiyay isla markaana qasab ka dhigay in ay soo saaraan Internetka iyo aalada aan u adeegsaneyno ee sahashay in aad aqriso qormadan.

Waad nooshahay waayo waxaad cuntaa, cabtaa wax ay soo saareen oo ka soo shaqeeyeen, isla markaana dalkaaga ay keeneen kumanaan qof oo kala duwan. Waxaad ku nooshahay guri aalada uu ka sameysanyahay ay ka soo shaqeeyeen soona saareen kumanaan dad oo kala gedisan. Markii aad xanuunsato waxaad u tagtaa dhaqtar isla markaana kuu qora daawo ay soo sameeyeen boqolaal qof oo kala gedisan.

Kolkii aad dhalatay waxba maadan qabsan kareyn adiga oo aysan dad faro badan oo qoyskaaga sida aabe, hooyo, walaalayaal, adeero, eedooyin, habaryaro, abtiyaal, ayeeyooyin, ilma adeer iyo reerkiina oo dhan ay qayb ka ahaayeen koritaankaaga.

Waxaad lahayd deris, xaafad, saaxiibo, macalimiin, dal iyo umad kugu caawiyay in aad noqoto qofka aad maanta tahay. Waxaa wax barashadaada ka soo qayb qaatay kumanaan dad ah, kuwo buugaagta qoray, kuwa dhiga ee macalimiinta ah, kuwa iskuulka nadaafadiisa, maqaayadiisa iyo maamulkiisa ka shaqeeya.

Jiritaankaaga oo dhan waxaa uu xiranyahay dad marka la isku daro kor u dhaafaya malaayiin qof ilaa hadana weli ku garab taagan kuna garab taagnaan doonto ilaa qabriga lagugu soo aasi doono.

Hadaba soo ma mudna in aan Allah noo sakhiray intaas oo dhan aan Shukri dhamaystiran oo ceeb lahayn aan ku shukrino. Soo nooma haboona in aan intaas wax noo tareysa intii aan ka gaarno aan dhahno waad mahadsantihiin. Soo nooma haboona in aan ka qaybqaadano in aan bulshadeena wax u tarno oo weliba aanaan dadkeena, dalkeena iyo diinteena aanan kala qoqobin ee gacamaha is qabsano, wax isku tarno, is wanaajino oo aan u jeclaano qofka walaalkeen ah, gobolka walaaleheen ay deganyihiin wanaag iyo horumar mar walba. Soo ma wanaagsana in aad baari u noqono waalidka intaa nala soo xarbinayay ee intii karaan kooda ahaa ama aqoontooda ahayd nala soo dadaalay.

Soo ma haboona in aan garano in aanan kaligeen ahayn ee marwalba khalgiga Allah uu noo hogaamiyay ay danteena ka shaqeynayaan xataa anagoo ka war ahayn.

Allahu Malakal Xamdu Walakal Shukru

50 Shay oo nolosha kuu sahlaaya

Waxaan maanta saaxiibaday u soo gudbinayaa buugaagtii aan aqriyay 2016 macluumaadkii iyo notes kii aan ka qaaday. Waxaan is leeyahay wax yaabo badan ayaan ka faa iiday, haddii 50 kaan shay aad hal mid is tiraahdo faa iido ayuu ii leeyahay, qormadan mireheedii waa la helay.

Maadooyin badan oo aan jaahil ka ahaa ayaa wax iigaga iftiimeen intii aan aqrinayey buugaagtaas. Laakiin waxaan door biday in aan halkaan ku soo gudbiyo kuwa sahlaya qofku inuu noolaado nolol xoogaa yara faraxsan. Buugaagtan qaar waxay ahaayeen Islamic sida Al-Ubudiyyah: Being a True Slave of Allah oo qoray Ibn Taymiyah, Heartfelt Advice To A Friend oo uu qoray Ibn Qayim Al Jawziyah (waa talo uu u qoray saaxiib kiis Ala Al’Din) qaar na waxaa ay ahaayeen kuwo reer galbeed ay qoreen laakiin la isku raacay in ay ahaayeen buugaaga xaga nolosha dunida qiimo ku leh sida Examined Lives oo uu qoray Stephen Grosz, War of Art oo uu qoray Steven Pressfield, Ego is the Enemy oo uu qoray Ryan Holiday, Crucial Conversations oo ay qoreen Joseph Grenny, Kerry Patterson, Al Switzler, iyo Ron McMillan iyo buugaag kale oo fara badan.

Farxada kama bilaabato in aad dalxiis ku jirto, in aad haysato shaqo wanaagsan, in aad haysato lacag badan, in aad haysato xaas, in aad haysato ashyaada dunidaan.

Waxay ka bilaabataa markii aad indhaha kala qaadid oo aad soo kacdo ood aragto in aad nooshahay, wadnahaagu weli garaacayo oo aad tiraahdo

“الْحَمْدُ للهِ الَّذِي أَحْيَانَا بَعْدَ مَا أَمَاتَنَا وَإِلَيْهِ النُّشُورُ”.

(1) Waxaad ogaatay in lagu siiyay wixii aduunka ugu muhiimsanaa oo ah in naftaadii xalay lagaa qaaday laguu soo celiyey. Ka waran haddii aan nafta laguu soo celin lahayn. Sidaas daraadeed maalintaas waa in ay noqotaa maalin farxad ku bilaabata kuna dhamaata waayo naftaadii ayaa mar kale lagu yiri hoo, waan kuu soo celiyay…Subxaana Malikul Quduus. Nicma ka weyn oo lagu siin lahaa miyaa jirta in naftii lagaa qaatay xalay Allah uu noo soo celiyey?

(2) Noloshu ma sahlana laakiin waxaa aad u dhib yareeyey marba haddii naftii laguu soo celiyay ood neefsaneyso, waa in aad adigu is dhageysataa wax yar. Inta badan wax kasta waan dhageysanaa sida saaxiibadeen, waalidkeen, qaraabadeena, xaaskeena iyo caruurteena, laakiin waa wanaagsantahay in aad adiga codkaaga maqasho oo aad is dhageysato.

(3) Waxaad ogaataa in aadan binuu aadmi marnaba aadan qancin karin, waxaad tahay binuu aadmi oo adiguna qanci meysid marka ogoow in aad tahay binuu aadmi ku nool dunidaan oo ah mid aan dhamaystirnayn, waa qasab in noloshaada kala dhimanaato.

(4) Waa in aad marar badan tiraahdo wax fiican maya si aad u qabato waxa muhiimka ah. Ma awoodid in aad sameyso wax kasta. Qaado hawo, biyo cab oo xoogaa yara neefso waxaana kala doorataa waxyaabaha (choices) ka ku hor imaanaya adiga oo tix gelinaya waxa muhiim ka ah.

(5) Haddii uu jiro shay aad jeceshahay oo xiiseyso, maalin kasta waxaad talaabo u qaadaa ama wax ka sameysaa arintaas aad hamiga weyn u leedahay intay rabtaba ha gaadhee. Sidaas ayaa riyadaada ku xaqiijin kartaa.

(6) Mar walba waxaad is weydiisaa waxa aad sameyso waa maxay sababta aad u sameysaa? Jawaab fiican u hel sababta. Haddii aad jawaab fiican u hayso sababta mar walba waxaad qaadan go’aan wanaagsan.

(7) Qof yaqaan ma jiro waxa mustaqbalku keeni doono ama la imaan doono sidaas daraadeed waxa ugu fiican oo aad sameyn kartaa waa in aad u noolaato maanta sida ugu haboon ee aad u noolaan karto. Ha is dhihin beri ayaa wax is bedeli doonaan. Waa in aad maanta waxaad bedeli karto bedeshaa intaad awoodo.

(8) Waxaa laga yaabaa in aad in badan sugto in wado ama dariiq kuu soo baxo ama kuu furmo. Laakiin waxaad ogaataa in dariiq kuu furmo adigoon talaabo qaadin aysan ahayn mid dhacda. Markaad socoto oo aad dhaq dhaqaaq sameyso ayaa dariiq ka leexataa oo u leexataa mid jidkii toosnaa ku geeya. Weligaa iska ilaali in aad ku banjarto meel aan dariiq ka muuqan oo aad sugto in dariiq kuu muuqdo. Ma muuqan doono haddii aadan xarakaat la imaan.

 

(9) Yaysan dhicin in aad istiraahdo waxa ay ku danbeyn doonto maadaama aanan garaneyn arintaani waa in aanan bilaabin.Wax boqolkiiba boqol la hubaa aduunkaan waa yar yihiin. Banaanka markaad u soo baxdo oo aad la falgasho waxa jira ayaad arkeysaa wadooyin badan oo kuu furma. Markii uu waraabuhu xoolaha ku soo dhex ordo ayuu arkaa kan jaban ee haduu korkaas ka fiirin lahaa wuxuu arki lahaa xoolo wada fayow oo waa ka caajisi lahaa. Waa in aadan marnaba is oran meeshaan wax kama socon karaan. Xataa haddii meeshaas wax ka socon waayaan waxaa laga yaabaa in xafiis kale ama qof kale agtiisa wax ka socdaan. Weligaa ogow arintaas.

 

(10)                     Naftaada u ogolow in ay noqoto arday(Beginner). Qof ku bilaabay khabiir ma jiro. Samee waxa aad ku gaari karto qof aqoon u leh shaygaan markii aad gaarto heerkaasna ka sii siyaadii ilaa aad noqoto qaamuuska ama marjaca loo noqdo markii lagu wareero arinta.

(11)                     Ogow in aad arin la rafato oo ku daasho ayaa ka fiican in aad ku daasho maskax iyo maan ahaan adigoo waxba ka qabanin oo ka fadhiya.

 

(12)                     Wax u muuqda in ay yihiin arin dib u dhac keentay (Set back) ayaa waxay noqonaysaa fursad aad wax ku barato, ku soo saarto hab aad uga feejignaato iyo istiraatiijiyad shaqeyneysa

 

(13)                     Ogow in aad mugdiga ku soo xamaarato oo dhibaatooyin badan u soo dul qaadataa marar badan waxaa ay kaa dhigeysaa qof garta wanaaga isla markaana ka xamdiya kolkaad aragto iftiinka iyo guusha.

 

(14)                     Weligaa iska ilaali in fikirkaaga iyo waxa aad madaxaaga ku rogrogeysaa yihiin wixii dhabta ahaa. Waxaas murugada kugu hayaa waa waxa madaxaaga ka guuxaya ma ahan waxa dhabta ah ama dhici doona. Taas Allah ayaa og. Marka markaad xoogaa madaxaaga buuqaba ogow in ay tahay sheekadaada khiyaaliga ah ee wixii dhabta ahaa aysan dhicin lagana yaabo in ay dhiciba weydo.

 

(15)                     Dhibaatada mararka qaar ma ahan dhibaatadu ee waa waqtiga badan ee aad ku lumineyso ka fikirkeeda. Waxaad ka gaartaa go’aan ku dhisan macluumaadka aad ka hayso markaas horeyna uga soco.

 

(16)                     Adiga wax badan kuma lihid sida ay noloshu kuu soo wajahayso. January 17, 1995 waxaa magaalada Kobe in Japan ka dhacay dhul gariir sababay khasaare ah $200 billion USD, ay ku dhinteen 6000 ay ku dhaawacmeen 43000  isla markaana guryohoodii iyo ganacsigoodii ku waayeen 310,000 oo ruux. Hadaba maxaa ay ka qaban kareen arintaas ku dhacday wax ka yar 5 daqiiqo? Muxuu ka qaban karaa cunuga aabe iyo hooyo ku waayay? Ama naag ninkeedii ku geeriyooday ama mid ganacsigiisii ku baa ba ay. Waa waxba.

 

(17)                     Waa in aan baranaa sidii aan iskaga deyn lahayn wixii aan wax laga qaban karin. Soo majiraan wax aadan wax ka badali karin? Soo dadkaas Japan dhibku gaaray horey ugama socon oo ma aqbalin xaqiiqdaas. Sidaas oo kale waa in aad markaad aragto xaqiiqda darbiga ku qoran in aadan arintaan wax ka badali karin aad horey uga socotaa.

 

(18)                     Markii aad ogaato in aadan xaaladan wax ka bedeli karin oo aad aqbasho taas in aysan dhacayn, waxaa dhacaya isbedel la yaableh. Waxaa dhacaysa in aad adiga is bedesho. Markii aad adiga is bedesho ayaad arintii wax ka qabaneysaa oo aad leedahay maadaama aan aqbalayn arintaan in aan wax laga bedeli karin, waxaan noloshayda ka badalayaa intaan.

 

(19)                     Ha isku dayin in wax wablba aad xoog ku maroojisid oo ku meel mariso. Farqi ayaa u dhexeeya xoog iyo xirfad. Waxaad sameysaa inta awoodaada iyo caqligaaga ah iyo wixii aad la kaashan karto, laakiin waa in aad sugtaa miraha juhdigaaga ee aadan deg degin. Soo geed marka la beero miro ma dhalo? Sug miraha in ay dhashaan, laakiin hubi in mirihii aad meesha ku jiraan iyo wixii juhdi ah ee aad ka geysan karto.

 

(20)                     Wax walba adiga gacantaada kuma jiraan, laakiin waxaa gacantaada ku jira wixii aad ka yeeli lahayd.

 

(21)                     Iska ilaali in ciil iyo xanaaq ay ku indho iyo dhego tiraan. Kolkii aad xanaaqi lahayd ku bedel in aad hesho casharka meesha ku jira, kolkii aad cawryi lahayd ku bedel in aad ka hesho oo tiraahdo Maasha Allah, Meeshii aad ka murugoon lahayd waxaad ku bedashaa in aad talaabo ka qaado,  markii shaku ku galo, aamin Allah.

 

(22)                     Ha isku cabirin ama jimeyn dadka kale ee qayrkaaga ah, qof walbaa wuxuu soconayaa masaafadiisa Allah ugu talo galay, waxaad fiiro gaar ah u yeelataa talaabooyinka aad qaadeyso ee ha fiirin kuwa kaa horeeya adigoo cawryaya, u fiiri in aad cashar ka qaadato oo kaliya siday ku gaareen.

 

(23)                     Wax walba waxaa ay u baahanyihiin sabar iyo in aad sugto. In aad ku sabartaa dhibaatada, hawsha culus, iyo rafaadka waxaa ku jira ajar aad u weyn xaga Rabi. Marka adiga ma ogaan kartid inta ajarkaas la egyahay. Ka waran haddii sabarkaas aad soo sameysey oo intaa dhibaato ku sabartay aad Janada ku gasho.

 

(24)                     Waxaan ku jirnaa waqti iyo dhaqan u bartay wax walba in ay ku dhacaan mudo gaaban. Laakiin ogow sabar, shaqo badan, iyo haynta jid dheer ayaa wax kasta oo qiimo leh lagu gaaraa aduunka. Adigu ku joog jidkaas in aad wax qabato, energy iyo waqti geliso, ka baaraan degto oo aad shaqo wanaagsan qabato marna yuusan caajis iska fadhi ah kugu dhicin.

 

(25)                     Jidkaas horumarka, wax barashada, iyo in aad dadka u faa iideyso adigu hay. Xataa haddii aadan garaneyn waxa kaa soo galaya ogow Allah wanaaga aad sameyso marnaba kaa qasaarin maayo. Xataa gaaladii ayaa la yiri wanaaga ay sameeyaan aduunkaa lagu siinayaa. Maxay kula tahay adigoo Muslim muwaxid ah!

 

(26)                     Ogow marar badan waxaa laga yaabaa in Allah uusan ku siin dadka iyo xaalaadka aad rabto laakiin uu ku siiyo dadka iyo xaalaadka aad u baahantahay. Farqi ayaa u dhexeeya waxa aad rabto iyo waxa aad u baahantahay.

 

(27)                     Ogow dadka uguma fiican kuwa ugu xooga badan ama ugu caqliga badan, laakiin waxaa laga yaabaa inuu ka fiicnaado kooda ugu wanaagsan sidii uu u maamuli lahaa markii uu ku yimaado is bedel cusub. Weligaa ka faa iideyso markii uu isbedel kugu yimaado, oo ha u qaadan wax xun. U arag in ay tahay raxmad laguu soo diray si aad qof ka fiican kii hore ee aad ahayd aad noqoto.

 

(28)                     Waxaad ogaataa in anagoo dhan sidaan binuu aadmi u nahay aan ku dhacno qayb nolosha ka mid ah (We all fail). Laakiin ogow in hal dhicid aysan ahayn mid qeexda nolosheena. Waa in aan qiranaa in aan ku dhacnay meeshaas, waa in aan cudur daar ka bixinaa mar mar, waa in aan wax ka baranaa cashar ah, waa in caqli nooga kordhaa, kadibna waa in aan intaan habaaska iska jafno, dariiqa horumarka sii haynaa. Waa xaqiiq ka mid ah nolosha binuu aadmiga.

 

(29)                     Waxaad ogaataa wax iska joogayaa ma jiraan oo aan ka ahayn Allah, Jalla Jalaaluhu (Nothing is permanent except Allah) Markii aad intaa ogaato waxaa kaa baa ba’aya cabsida ah in aad shay ku dhaganaato. Haddiiba wixii ugu

 

(30)                     Waxaad kaloo aqbashaa in uusan jirin shay siduu ahaa dib ugu noqonaya. Wax walba waxaa ay leeyihiin dhamaad. Dhamaadkaas ayaa ah, bilow cusub.

 

(31)                     Adiga ayaa is ka leh khiyaarka in aad ahaato qof niyad fiican oo xor ah ama qof xabsi uu geliyey fekerkiisa. In aad ku fikirto wixii la soo dhaafay ama in aad Allah ka rajeyso mustaqbal fiican.

 

(32)                     In aad niyad fiican leedahay (Positive thinking) ma ahan in aad mar walba filato wanaag. Ee waa aqbalaada waxii kugu yimaada mar walba, una isticmaasho sida ugu wanaagsan xaaladaas adigoon qoomamo iyo murugo ku mashquulin.

 

(33)                     Markaad aragto qof qoslaaya oo faraxsan ha u qaadan in noloshoodu ay boqolkiiba boqol hagaagsantahay ee u qaado inuu yahay qof yididiilo wanaagsan xaga Allah ka rajeynaya oo adiguna sidaa oo kale ugu muusoo.

 

(34)                     Binuu aadmigu wuxuu ugu wanaagsan yahay kolkuu faraxsanyahay marka haddii qof uu si xun kuula dhaqmo ama kuula hadlo, ogow waa qof dhibaateysane, sidaas daraadeed nabad iyo salaam intaad tiraahdo adigu wadadaada sii hayso.

 

(35)                     Waayeelnimada waxaa ka mid ah barashada in aad hore uga socoto markay kula soo deristo xaalaad wax yeelo ku sameynaya maskaxdaada, shaqsiyadaada, diintaada iyo naftaada oo intii sharafkaaga, diintaada iyo dadnimadaada ku dhaawacmi lahayd aad adigu qaadato wadada sare kana dhex baxdo murankaas iyo ismaan dhaafkaas oo tiraahdo “Peace”.

 

(36)                     Markii qof uu kuula hadlo si xun, dhoola cadeey hana ku af-celin ee qaado tan wanaagsan (waxaa ay hadalka xun kuu leeyihiin waa in aad jawaab ka bixiso) waayo haddii kale derbiga ayuu cayn lahaa. Taas waxaa ay keeneysaa in adiga ay awoodii kugu soo wareegto si sahlan. Adiga ma ogaan kartid laakiin kolkii aad ka dhaqaaqdo waa is cuni oo dareen weyn ayaa ku dhalanaya. Intii aan dagaal galay noloshayda waxaan ka qoomameeyaa oo weli xasuustaa kuwii la ii jawaabi waayey, waayo waxaan ogsoonahay in la iga raayay.

(37)                     Markii aad ku nooshahay nabad xaga maanka iyo qalbiga kaas oo qof kaa qaadan karaa uu jirin waxaad ka arkaysaa is bedel weyn ka arkaysaa waxa aad sameyneyso iyo jirkaaga

(38)                     Ma fiicna in wax kasta oo aad sameyneyso aad u sheegto dadka. Waa mida koowaade, haddii wax fiican ay yihiin waxaa wanaagsan in shayqii markaad sameyso ay dadku arkaan ee hadal badan aadan ku wareerin ummada, haddii uu yahay shay xun, Allah weydiiso danbi dhaaf, dadkana ha ku dhex faafin xumaan.

(39)                     Iska ilaali in aad ceebeyso binuu aadmiga gaal iyo Muslim intaba. Haddii uu muslim yahay kaba sii daran. Haddii uu yahay wax ummada khatar ku ah, asaga ka waani, dadkana uga dig haddiii uu joojin waayo. Haddii wax naftiisa kaliya ah ay tahayna asaga ka waani, hadduu ka hari waayo, dadka ha u sheegin ee qari sirtiisa u xifdi.

(40)                     Dagaal ha u galin in aad necebtahay waxa ku horyaal ee u dagaalan in aad jeceshay waxa kaa danbeeya ee aad u dagaalameyso. Dadka iyo dalka kaa gadaaleeya dartood u dagaalan.

(41)                     Ha ka dhigin cadow dadka aad wax isku qilaaftaan oo ha noqon wixii aad ayaga ku nacday laftaadu. Markii aad galeyso muran isku day haba yaraatee in aad macluumaad sax ah ka hayso arinta. Marka horena dhageyso dhanka kale intii aadan fikradaada soo bandhigin. Weydii su’aalo arinta kala cadeynaya sida tusaale yaal caam ah iyo kuwo qaas ah.

(42)                     Weligaa ha ka qoomameyn in aad noqoto qof wanaagsan ama wanaag aad u sameysey qof aan noqon qofkii aad moodeysey. Waayo wanaagu adiguu kaa tarjumayaa, xumaantiisuna asaga ayay tarjumaan ka tahay.

(43)                     Xusuusi dadka in ay yihiin dad qiimo leh oo wax ku ool ah. Waxaa laga yaabaa niyad aad u dhistay qof ay maalin ka jajabantahay in ay kalifto inuu boorka iska jafo ama farxo oo uu markaa energy ka helo intaas.

(44)                     Mararka qaar orodka badan waa laga fiican yahay, iska yara soco marba haddii aad wadadii wanaaga iyo horumarka iyo wax barashada hayso.

(45)                     Kala saar baahidaada iyo doonistaada. Dabool baahidaada inta aadan daboolin doonistaada.

(46)                     Noloshaada oo dhan ha ka buuxin qorsheyaal. Deyso firaaqo aad ku fekerto, wax ku aqrisato, dadka wax ugu tarto.

(47)                     Mar kasta ha isku deyin in aad gaarto oo sameyso wax weyn, waayo waxaad hilmaameysaa wixii yar yaraa. Caruurtaada dhalashadooda, wixii iskuulka looga soo dhigay, in aad sheeko u aqriso ayaa mararka qaar ka wanaagsan in aad lacag badan soo shaqeyso oo aad waqti u weyso arimahaas yar yar.

(48)                     Is bar in aadan mar walba guriga ku soo noqon adigoo faro maran. Xaajiyada shay suuqa uga soo qabo aysan filanayn.

(49)                     Ha xiiqin saaxiib, waxaad tahay qof fiican, isku filan, haysta wuxuu cuni lahaa maanta, haysta guri iyo sariir uu ku jiifto, caafimaad qaba, saakana waxaa laguu soo celiyey naftaadii xalay lagaa qaatay. Arintu sidaad moodeen maahan.

(50)                     Waa in aan ka mahad celinaa waanaga Allah maalin walba nagu maneystey iyo kuwa khalqigiisa uu noo soo diray nagu caawinayaan. Allah waa noo siyaadinayaa haddii aan ku mahad celino, yaa garanaya siyaadada Allah intey la egtahay, samaawaadka iyo arlada iyo inta u dhexeysa asaga ayaa gacanta ku haaya. Waalidka iyo wixii ku soo koriyay waa ku xigaan. Xaajiyada ilamaha kuu haysa, guriga kuu nidamineysa arimahaaga ku hawlan in aad tiraahdo waad mahadsantahay shaqada wanaagsan eed qabatay waxaa ku jira raganimada waana shay Allah loogu dhowaado.

Gaalo iyo Muslim ninkii wax kuu taray ama kuu tara waa in aad ku tiraahdaa waa mahadsantahay. Xataa macalimiintaadii jaamacada ama iskuulka waa in aad mar mar ku tiraahdo waan fiicanahay waad ku mahadsantihiin intii talo iyo taakuleyn aad ila soo garab istaagteen.

Mar marka qaar waa in ay mahad celintu noqotaa hadiyad markaad soo baxeyso ama meel aado aad soo xusuusato kuwa wax kuu taray.

Jadwal ma leedahay

calendar

Anagoo dhan waxaan rabnaa in waqtiga naloo badiyo. Waxaan rabnaa waqti badan in aan u helno waxa aan ku raaxeysano, waxa nafteenu dareemeyso in ay buuxdo oo wax muhiim ah qabsatay.

Hadana maalmaha iyo usbuucyada waxaa ay nagu dhaafayaan si xawli badan, waxaan is weydiinaa maxaan qabanay maalintii na dhaaftay, usbuucii na dhaafay, bishii na dhaaftay iyo weliba sanadkii na dhaafay.

Waxaan haysanaa sanad ka kooban 12 bilood oo ka kooban 52 usbuuc oo ka kooban 365 maalmood. Hadaba maadama uu sanadkii yahay maalmo kooban, waxaa xaqiiq ah in aanan qaban karin wax kasta oo aan dooneyno. Waxaan kaloo ogsoonahay in aan hilmaan badanahay. Hadaba su’aasha isweydiiska u baahan waxaa weeye: Maxaan dooranay in aan qabano sanadka 2017?

Ma ogtahay in uu jiro shay kugu saacidaaya in aad sanadka 2017 aad ka faa iideysato sida ugu wanaagsan. Waa shay la tijaabiyay oo shaqeynaya mudo ka badan hal qarni, waa shay ku jira gacantaada maanta. Wuxuu ku jiraa taleefoonkaaga, wuxuu ku jiraa computer kaaga, wuxuu ku jiraa iPad kaaga, wuxuu ku dheganyahay derbigaaga, wuxuu suranyahay meel kastoo aad ka shaqeyso ama wax ka barato. Wuxuu saaranyahay miis walba. Waxaa la yiraahdaa Jadwal am Kaalendar (Calendar).

Weligaa ma is weydiisay sidee loo isticmaala Jadwal ama Kaalendarka? Weligaa wax ma ku qortay? Weligaa ma raacday kaalendarkaaga waxa ku qoran? Weligaa ma ka fakartay sidii aad u kala hormarin lahayd waxa ku qoran kaalenderkaaga?

Jedwelkaaga ma wuxuu ku dhisanyahay waxa lagaa sugayo(Deadlines) mise wuxuu ku dhisanyahay waqtiyada aad firfircoonida kugu jirto sida morning (times you have energy).

Waa fiicantahay in aad jadwalkaaga ama kaalenderkaaga aad fiirfiiriso oo u isticmaasho sida ugu wanaagsan una kala hormariso sida uu sheygu muhiim kuugu yahay.

Dad badan ayaa waxaa ay isku qaldaan waxa la yiraahdo EMERGENSI (Emergency) iyo waxa muhiim ka ah (Important Priorities). Tusaale, nin ila shaqeeya ayaa waxaa uu caado ka dhigtay in uu iska seexdo oo maanta oo dhan wuxuu mashquul ku yahay Internet ka sida (Facebook iyo Youtube). Markay maalintu sii dhamaaneyso ayuu asagoo ordaaya isoo maraa oo dhahaaya arintaan waa muhiim waa in aan wax ka qabanaa oo waa emergency. Waxaan ku iraahdaa aniga emergensigaagu muhiim iima aha (Your emergencies are not my important priorites). Waayo asaga waa wax hadda in la qabto u ah waayo wuu ka seexday, laakiin aniga wixii emergency intaysan igu noqon ayaan soo qabasaday, tan waa tiisii, ma ahan taydii.

In badan haddii aadan jadwal iyo kaalendar sax ah diyaarsan oo ku socon waxaad is arkaysaa adiga oo maanta oo dhan la dagaalamaya emergensiyo waayo wixii muhiim ka ahaa waad ka seexatay ama dad kale emergensigooda ayaad ka shaqeyneysaa ileen adiga jadwal kuuma degsanee.

Marka maxaa noloshaada kuu ah muhiim (What are your important priorities?).

Aniga waxa jadwalkayga ugu horeeya waxaa weeye in aan sariirteyda goglo markaan hurdada ka kaco. Waa arin aan sameyn karo, waqti badan iguma qaadaneyso, waxayna iga dhigeysaa nin ku guuleystey arintii koowaad ee uu maanta qaban lahaa. Sidaas daraadeed waxaan ku xejiyaa shaygii kale ee muhiimka ii ahaa. Marka la gaaro 11:00am subaxnimo inta badan wax badan oo ii haray waaba yar yihiin. Waxaa ii soo hara waqti aan uga baaraan dego wixii aan berito qaban lahaa iyo wixii aan u sii diyaarsan lahaa. Internetka, Facebook iyo Whatsapp waxaan u daayaa 15 daqiiqo 3 dii saacadood mar oo ah inta aan shaaha yara cabaayo.

Cawaaqib Xumada Ka dhalata Akrasia

Akrasia

Waa maxay sababta aanan ugu dhaqaaqin shaygii munaasabka ahaa in aan sameyno?

Sanadkii 1830 kii, qoraagii weynaa ee Victor Hugo (Wuxuu ahaa Gabyaa, Qoraa, Ruwaayad soo saare, iyo aartiiste caan ah) waxaa la soo daristay dhibaato culus. Labo iyo toban bilood ka hor wuxuu madbacada buugaagtiisa daabacda u balanqaaday inuu buug cusub qori doono. Sidaas ayay heshiis ku galeen asaga iyo maktabada buugaagtiisa daabacda isla markaana uu qalinka ku duugay inuu keeni doono buug uu ugu magacdaray The Hunchback of Notre Dame. Hugo buugii ma uusan qorin, wuxuu ku mashquulay inuu maaweeliyo saaxiibadiis iyo martidiisa iyo arimo kale oo asaga khaas ku ah. Maktabadii markay aragtay xaalka Victor Hugo iyo sida uu wax ku wado waxay ku yiraahdeen buuga waa in aad noo keenta bisha feberaayo ee sanadka 1831. Markaas waxaa ka harsan waqtigaas loo cayimay in ka yar lix bilood. Ogow weli ma uusan xataa bilaabin buuga qoristiisa.

Si uu arintaas u xaqiijiyo, Victor Hugo wuxuu aruuriyay dharkiisii oo dhan oo uu meel ku soo qafilay intaan ka ahayn bijaamahii uu ku seexanaayey. Ileen guriga dhar uu uga boxo mahaystee,  waxaa qasab ku noqotay inuu buugii qoro. Wuxuu buugii dhameeyey ayadoo waqtigii lagu balamay ay ka dhimantahay labo usbuuc, buugii wuxuu daabacay bishii Janaayo 1831 dii. Wuxuu ku dhameeyey lix bilood.

Hadaba waxaa cashar ka qaadasho mudan sida uu Victo Hugo ula dagaalamay caajiskaas (Procrastination).

Arintaan Caajiskaa waa mid qadiim ah

Caajisnimada ma cusba, waa wax qadiim ah. Binuu aadmigu qarniyaal badan ayay arintaan la xarbinaayeen. Sidaas daraadeed Qabiirkaan Victor Hugo oo intaas oo buugaag ah qoray, intaas oo gabay qoray, intaas oo ruwaayadood alifay hadana wax badan sawiri jirey, isla markaana ahaa nin wax soo saar badan arintaan Caajisnimada saameyn weyn ayay ku yeelatay sida ka muuqata taariikhdiisa, ilaa uu ka gaaray heer uu dharkiisii qariyo.

Arintaan caajisnimada xataa dadkii Griiga ahaa iyo fiilosoofyadoodii (Greek Philosophers) sida Socrates iyo Aristotle ayaa waxaa ay u bixiyeen magaca la yiraahdi Akrasia. Hadaba Giriigii(Greeks) hore waxaa ay eraygaas Akrasia ku qeexeen sidan “Akrasia waa in aad sameyso wax ka soo horjeed ama lid ku ah waxa aad ogtahay in ay ku jirto ayaatiinkaaga iyo mustaqbalkaaga” Waa marka aad sameyneyso shay lid ku ah aayatiinkaaga adigoo ogsoon. Tusaale: Waxaa kuu haboon in aad aqrisato maadada lagaa rabo iskuulka laakiin waxaad ku mashquulsantahay Facebook iyo wax kale oo faa iido kaa soo galeyn. Sidaas daraadeed Arkasia waa waxa kuu diidan in aad raacdo barnaamijka kuu degsanaa oo u weecato wax madadaalo gaaban kuugu jirto markaas. Muxuu Victor Hugo balan ugu qaaday inuu buugan qoro haddana uu mar walba dib ugu dhiganayey? Maxaanse anagu qorshe u dhiganaa kadibna aan kaga caajisnaa oo meesheedii aanan ka soo qaadin?

Maxaan Qorshe u sameynaa laakiin iskaga deynaa talaabadii lagu gaari lahaa?

Markii ay baareen culumada baratay dhaqaalaha iyo dhaqanka dadka (Behavioral Economics) waxaa ay arintaan u bixiyeen waxa afka ingiriiska lagu yiraahdi “time inconsistency.” Taas oo ah in maskaxda binuu aadmigu ay qiime weyn saarto waxa markaa ama xiliga la taaganyahay ay faa iido ka helayso, marka loo babac dhigo wax mustaqbalka laga faa iidaayo. Tusaale: Waxaad rabtaa in aad is caateyso, caatadu waa qofka aad noqoneyso mustaqbalka ee qurxoon, laakiin waqtiga hadda la joogo waxa faa iido aad ka heleyso oo ku raaxaysanayso waa cuntada ku hortaal. Sidaas daraadeed maskaxdu waxay dooraneysaa in ay cuntadaa iska cunto iskana hilmaanto quruxdaas mustaqbalka ah. Marka waxaa mar walba tartan ku jira qofka aad markaas tahay iyo qofka aad rabto in aad mustaqbalka noqoto. Haddii aan tusaale kale ku siiyo, in aad noqoto dhaqtar waa arin u fiican mustaqbalkaaga oo waxaad noqoneysaa nin ama gabar dadka wax tarta markii aad shan sano iyo wax kabadan aad soo wado wax barashada. Laakiin hadda waxaad tahay qof raba inuu saaxiibadiis la ciyaaro, kaftan, banooni iyo wixii la mid ah ayaa ku horyaal. Sidaas daraadeed naftu waxay kugu jirabeysaa in aad iska raaxeysato dibna u dhigato qofkaas doctor ka ah ee mustaqbalka aad noqon lahayd.

Markii cilmi baaris dheer la sameeyey waxaa la ogaaday in dadka wax muhiim ah dunidaan meel sare ka gaaray in ay yihiin intooda badan dadka dib u dhigan kara farxada iyo in ay naftoodu waxa ay hadda jeceshahay ay yiraahdaan maya. Tusaale: labo wiil ayaa waxay haystaan telefoono xoogaa yara qadiim ah, waxaa soo wada gashay midkiiba $500 oo doolar. Mid wuxuu ku soo gatay telefoon cusub waayo wuxuu arkay in naftiisu ku yara raaxeysaneyso telefoonkaas cusub. Kii kale wuxuu fiiriyay in telefoonkiisa duqaa uu weli fulinayo wuxuu u baahnaa, isla markaan wuxuu is yiri lacagtaan xoogaa ganacsato ku darso. Labadaas wiil mid weligiis wuxuu ahaan doonaa faqri, midna dad badan ayaa u shaqeyn doona oo haddii uu doono mustaqbalka wax ku adag ma noqon doonto inuu asagu noqdo kan keena taleefoonada waayo wuxuu bartay sida dib loogu dhigo waxa naftu ar rabto markaas oo lagu badalo wax nafta mustaqbalkeeda u fiican.

Haddaba ma jiraan siyaabo arintaan caajisnimada (Akrasi) wax looga qaban karaa?

Waxaa jira sadex siyood oo aad kaga guuleysan karto caajisnimadaan:

  1. Waxaad aas aastaa talaabooyinkaaga mustaqbalka

Markii uu Victo Hugo dharkiisa meel ku soo xiray si uu maankiisa iyo muruqiisa wax qorid kaliya ugu mashquuliyo waxa uu sameynayey waxa ay culimada saykoolajigu (psychologists) ugu yeeraan “commitment device.” Taas oo ah istiraatiijiyad aad ku hormarineyso camalkaaga taas oo aad sameyneyso caqabado kuu diidaya in aad ka weecato waxa aad rabto in aad sameyso, ama mid kugu kalifeysa qaraamaad aad bixiso haddii aadan sameyn wixii aad rabtay in aad sameyso.

Tusaale ahaan. Haddii aan rabo in aan misaan lumiyo oo caatoobo waa in aanan guriga keensay sokorta, buskudka, macmacaanka iyo wax kasta oo ii keeni kara in aan si sahlan isaga cuno anigoo iska fadhiya. Waxaan ka saarayaa telefoonkayga Facebook iyo Whatsapp si aanan ugu mashquulin oo aysan waxbarashadeyda iigaga habsaamin.

Waxaad xiri kartaa telefoonkaaga saacadaha aad wax aqrisaneyso oo waxaad daareysaa kolkaad dhameyso wax aqriska.

  1. Waxaad yareysaa caqabadaha kugu keeni kara in aadab bilaabin

Waxa adag ma ahan hawsha qabashadeeda ee waxa adag waa bilaabida arintaan. Tusaale: Waxaa adag in aad miiska fariisato marka hore oo aad buuga kala furto ee ma adka markaad kala furto in aad buugaas aqrisaa ama aad ka shaqeysaa su’aalaha.

Sidaas daraadeed waa in aad is bartaa in aad wax walba bilowdo oo aad isku qasabtaa maalin kasta in aadan ka caajisin. Waxaad qasab isaga dhigtaa in aad fariisato oo aad bilowdo shayga xataa ha ahaato 5 daqiiqo oo kaliya. Adiga ayaa is arkaya adigoo wada mudo dhowr saacadood ah shaygii aad is tiri bal yaanan noqon nin aan bilaabin arintee bal aan shan daqiiqo kaliya geliyo maanta.

  1. Waxaad sameysaa istiraajiyad fulinta

Waxaad tiraahdaa maalin walba saacadaas iyo meeshaas waxaan ku qabanayaa arintaas. Waxaad u dhaqmeysaa qof balan leh oo kale oo saaxiibadaa iyo facebook iyo wax walba waxaad ku leedahay waxaan leeyahay balan. Laakiin balantu waa in aad wax aqrisato, luuqad ingiir barato oo aad wax ka qabato waxa wax ku oolka ah adigoo la dagaalamaya in maskaxdaadu ay kugu kalifto in ay ku garab mariso wixii mustaqbalkaaga u fiicnaa.

Waa muhiim in aad sameysataa jadwal ama schedule aad wax walba oo muhiim ah aad ku qabaneyso. Waa in aad telefoonkaaga alarm gashataa markii ay yeertana aad wax walba faraha ka qaadaa aan ka ahayn shaygaas muhiim ka ah.

La dagaalanka Akrasia

Waa sida maskaxdeenu ay u sameysantahay oo waxaa ay jeceshahay waxa ay markaa ku raaxeysaneyso. Ma jecla waxa mustaqbalka la xiriira ee aad ogtahay in aad mustaqbalkaaga ku najaxeyso. Waxay rabtaa sheeko baraleey iyo in ay waqtiga ku dhameysato in ay Facebook fiirfiiriso oo “Likes” ay wax walba saarto ayadoo kaa jeedineysa ama kaa mashquulineysa in aad noqoto doctor, mid luuqadaha yaqaan, mid macalin noqda, mid engineer ah iyo wixii la halmaala.

Aristotal wuxuu yir waxaa Arkasia cagsi ku ah waxa layiraahdo enkrateia taas oo ah in aad yeelato awood aad kaga adkaato naftaada. Taas waxaad ku gaari kartaa in aad isticmaasho sadexda istiraatiijiyadeed ee aan kor ku soo xusay.

7 shay oo nololosha farxada ka qaada

Miserable

Ma is aragtaa adigoo nimco ku jira in aadan mar mar faraxsanayn? Arintaas sababteeda inta badan ma tahay xaalada aad markaas ku sugan tahay (Happiness that depend on the situation?) Waxaa jira dad badan oo ku nool faqiirnimo hadana faraxsan. Waxaa jira dad badan oo meel dagaal ka socdo oo nabad aan lahayn ku nool hadana faraxsan.

Marka su’aasha meesha taal waxaa weeye: Haddii aysan farxadu gebi ahaanteed aysan ku dhisneyn meesha iyo xaalada aad ku sugantahay markaas, maxay ku dhisantahay hadaba?

Waxay ku xirantahay waa aragtidaada. Waxaa laga yaaba in koob wax ku jiraan intaad fiiriso aad aragto koob bar buuxa ama koob bar maran.  Sidaas oo kale intaad noloshaada fiiriso ayaad dhihi walaahi waxaan ahay qof aad u nasiib badan oo Allah khayr faro badan waafajiyay ama waxaad leedahay balaayo iyo amuuro ayaa igu dhacay oo fursado qaali ah baa iga lumay oo waxaan ahay anigoo dhan nin faashil ah.

Bal aan aragno arimo dhowr ah oo markaad is fahamsiiso kuu diidaya farxada. Waxaan kaloo ogsoon nahay in xadiis nebigeena laga weriyey lagu xarimay in la yiraahdo “Haddii aan saas iyo saas sameyn lahaa waxaas iguma dheceen” oo weliba lagu sii daray in ay arintaas tahay albaab aad u fureyso sheydaanka.

  1. Haddii aan in badan ka haysan lahaa (adigu meesha banaan buuxi)

Iska daa in aad wax kastaa boqolkiiba boqol aad saarto (Stop trying to be perfect) Weligaa wax ayaa kaa maqnaan ama kaa gaabanaya. Dadka aduunka ugu taajirsan waxbaa ka yara dhiman oo ay rabaan in ay wax ka qabtaan ama gaaraan. Ha fiirin oo kaliya waxa aad ku xuntahay ee fiiri waxa aad ku fiicantahay. Haddii aad hadalka ku xuntahay waxaa laga yaabaa in aad ku fiicantahay dhegeysiga. In badan ka fakar oo ku qilaawee waxa aad ku fiicantahay isla markaana raadi sidii aad dadka ugu faa iideyn lahayd hibadaas Allah ku siiyey.

  1. Haddii aan lacag badan haysan lahaa

Qof dareensan ma jiro inuu lacag ku filan haysto. Qofkaad rabto ee wadada maraya jooji oo waxaad ku tiraahdaa ma isticmaali kartaa SAR 1000 oo dheeri ah bil walba. Waxaa ay ku leeyihiin “Haah”. Xataa dadka aad u haysato in ay wax walba isku saaranyihiin waxaa ay ku fakarayaan wax aaney haysan oo rabaan in ay gataan. Waa xaqiiq in lacagtu ay nolosha fududeyso oo ay raaxada kuu sahasho laakiin kaama dhigi karto mid faraxsan, Imisa qof ayaa malaayiin doolar oo baqtiya nasiib ku guuleystey oo hadda aan shilin ka ahayn? Imisa ayaa ciyaar yahah malaayiin doolar sameeyey maantana ka tuugsanaya.

  1. Haddii aan mar gaari lahaa hadafkeyga

Hadafka (Goals) waa seef laba afley ah. Waa sax in hadafku hore kuu dhaqaajiyo, uu ku dhiiri geliyo, kugu kalifo in aad si wanaagsan wax u qabsato. Laakiin hadafka waa ku talax tegi kartaa ama waa ku dumin karaa.

Markii aad sameysato hadaf aan macquul ahayn ama la gaari karin, waxaa kugu dhacaya jaah wareer, ciil kaambis, dawdar nimo, iyo farxada oo kaa lunta. Waxaa dhici karta xataa in aad ka shakiso kartidaada.

  1. Haddii aan haysan lahaa shahaado wax barasho oo wanaagsan

Shahaado jaamacadeed intooda badan ma haysan  shaqsiyaadkii i taariikhda aduunka soo maray ee raadka weyn ku reebay. Bill Gates iyo Steve Jobs jaamacad ma dhameyn. Albert Einstein dugsiga sare waa ka haray, markii ugu horeysana wuu ku dhacay imtixaankii jaamacada.

Waxaa aad xooga loo saaraa in shahaado la soo qaato waayo waxaa la saaraa qiime weyn. Waxaa naloo sheegay in aan u baahanahay shahaado si aad shaqo u helno, lacag u sameyno oo aduunka wax uga badelno. Shahaado Wax barasho waa muhiim laakiin ma ahan sida kaliya ee aad horumar ku gaari karto. Imisa qof oo aan shahaado jaamacad ka soo qaadan ayaa aduunkaan raad weyn ku reebay ama dhinac ay takhasus ku lahayn ka gaaray makaan weyn.

Hoosta ka xariiq in jaamacad adigoo shahaado ka soo qaadan aad wax weyn qaban karto oo aysan shahaado kuu diideyn in aad meel gaarto. Haddii aadan dhaqtar ahayn waxaad dhisi kartaa Hospital ay ka shaqeyso kumanaan dhaqaatiir ah.

  1. Haddii aan caqabado badan i hortaageneyn

Qof kasta caqabad ayaa hortaal. Mararka qaar waxaan aragnaa dad horumar sare gaaray xaga ganacsiga ama madaxtinimo, markaas ayaan malaynaa in ay ku nool yihiin farax iyo reyn reyn. Kaas waa qurux badanyahay, kaas lacag faro badan buu haystaa, kaas wuxuu haystaa waasado adago iyo xiriir dad sare. Waxaad aragtaa waa khayb ka mid ah noloshooda taas oo ah mida wanaagsan. Qaybta foosha xun cid ku tuseysa malaha. Binuu aadmiga intiisa badan kuu sheegi maayaan waxa ay dhibaato iyo caqabado soo maray ama haysta si ay u gaareen ama ku joogaan meeshaan ay fadhiyaan hadda. Lama socotid dhibaatada ka haysata xaga caruurta, xaaska, qaraabada iyo wixii la mid ah. Marka ha isku daalin qof aad u maleyso inuu kaa roon yahay waayo xaalada dhabtaa Allah unbaa og.

Waxaad kaliya oo u baahantahay in aad ogaatid in cid walbaa caqabad ay ka hor imaaneyso. In ay kaa hor imaan doonto, isla markaana aad ka gudbi doonto. Waxba yaysan hurdada kaa lumen.

  1. Haddii xaaskaygu ii jeclaan lahayd sida aan rabo in ay ii jeclaato

Anagoo dhan waxaan rabnaa in aan ku noolaano farxad iyo reyn reyn. Waxaan rabnaa in qofka garabkeena joogaa in uu farxad iyo reyn reyn ku jiro. Laakiin inta badan dariiqa saxa ah looma maro, mana ahan ula kas ee waa naga noqotaa sidaas.

Xaaskaaga looma sameyn sidaada oo kale. Inta badan ma oga waxa dhiig karka kugu kiciya. Laakiin adiguna sidoo kalaa tahay ee ogow. Waa in aan baranaa lana qabsanaa sidii aan ula falgeli lahayn am aula macaamiloon lahayn xaajiyada. Waa in aan ogaanaa meelaha miinooyinka ku aasan yihiin si aad uga leexato, waa in aad barataa xuduudaha. Waa in uu mar walba furan yahay albaabka wada hadalka iyo fahamka. Markay kugu soo dhacdo in aad ku qaraxdo xaajiyada is xasuusi wixii isku kiin keenay ee aad ku dooratay markii hore. Waxaad heleysaa xalka isla markiiba. Waxaa Soomaalidu ku maah maahdaa “Hubsiimo Hal baa la siistaa” Maah maahdaan waxaa la yiri waxaa ay ku timid sidaan. Nin ayaa hal geela keensaday suuqa maalin. Nin ayaa gorgoriyay hashii oo ninkii ku yiri hasha waxaan kaaga gadanayaa xikmadan  ah “hubsiimo hal siiso”. Ninkii hashii ayuu ninkii siiyay. Gurigiisa ayuu yimid oo xaaskiisa waah ore ayuu soo masaafeystey weligiisna hore uma uusan arkin sodogii. Markuu gurigii soo galay ayuu arkay nin dhex bilqan gurigii. Markaas ayuu toorey laba afley ah la soo baxay oo is yiri ku kala goo. Haddana wuxuu xusuustey inuu hal geel ah soo siistay inuu wax hubsado. Naagtiisii oo xoolo lisaysa ayuu ku yiri waayo ninkaan guriga dhex jiifaa? Markaas ayay tiri waa odeygii aabahay ahaa. Ninkii dhidid ayaa ka soo booday oo wuxuu yiri “Hubsiimo hal baa la siistaa”.

Inta badan waxyaabaha khaylada iyo muranka dhex dhiga reeraha waa in qof walba uu wax is moodsiiyo oo isagoon xaqiiqda hubsan is buufis isku bilaabo ama ayaduba isku bilowdo.

  1. Haddii dadku ay qiimeyn lahaayeen shaqadeyda wanaagsan

Waxaan inteena badan ku mashquulsanahay nafteena in ka badan intaan ku mashquulsanahay dadka hareereheena jooga. Waxaan ku mashquulsanahay baahideena daboolkeeda, waxaan rabno in aan helo, in aan helno madadaaladeena iyo wixii la hal maala.

Sidaas aad tahay ayaa dadka intooda badan iskugu mashquulsanyihiin. Ma ahan qofkaan aad leedahay muxuu waxa weyn ee aan sameeyay u arki la yahay mid adiga markii horeba kuu soo jeeday. Adiga ayaa dhibkaas ku hayaa, laakiin ogow adiga qudhaadu dad badan ayaa is leh muxuu noo arki waayay. Marka wax ba ha ku daalin arintaan qiimeynta iyo in la aqoonsado waxa aad hayso ama qabaneyso. Adiga hawsha u qabo in aan cidi ku arkayn oo kale kuna arki doonin oo kaaga mahad celin doonin.

Adiga naftaada iyo maankaaga kaliya ka adkow. Ogow qiimahaaga, xariif nimadaada, iyo waxa aad aduunka ku soo biirineyso. Noqo mid wax laga faa iido asagoo aan rabin in la aqoonsado faa iidadaas uu dadka wax taraayo. Allah ayaa kuu kaydinaya waxa wanaag ah ee aad qabaneyso ee haddii aad binuu aadmi ka sugto aqoonsi nolosha ayaa kugu qaraaraaneysa. Waanaba denbi in aad wanaag u sameyso ha lagugu amaano marka horeba.

Aqoontu waa tarjumaad

Aqoontu waa tarjumaad

Waxaan xisaabta ku baranay wax la yiraahdo (Transitive property of mathematics) taas oo dhahaysa haddii ayA la egtahay B, isla markaana ay B la egtahay C, hadaba A waxaa ay la egtahay C.

 

Waxaad kaloo luuqada ingiriiska ku aragtaa erayo badan oo ay ka horeyso “trans” sida ‘traverse”, taas oo tusineysa wax kala gaaraya laba shay. Ama ‘translate” oo ah wax meel laga qaadayo oo meel kale lageynayo ama laga dhigayo.

Arimahaan waxay noo sheegayaan in haddii aad wax aqoon u leedahay ama khibrad in aad wax kale u isticmaali karto ama kaa saacidi karto. Waxaa laga yaabaa in waxaas aad taqaanid ay la xiriiraan waxaas cusub amaba aysan wax xiriir ah la lahayn.

 

Waxa kaliya ee muhiimka ah ee in aad ogaatid u baahan waa in markii aad shay si fiican wax uga barato inuu kugu saacidi doono wax kale oo aad aqoontaas ku “transfer” gareyso.

Aqoonta xisaabta ama naxwaha(grammar) wuxuu kaa saaciday in aad garato qormadan qaybteeda hore. Hadii aad maqaayad ka soo shaqeysey meesha gawaarida lagu gado waad ka shaqeyn kartaa, waayo macaamilka dadka ayaa labada xirfadood ka dhexeeya.

Markii ay khibrado kala duwan iyo macluumaad kuu kordhaan ba waxaa sii badanaya nasiibkaaga in aad u isticmaasho shay kale oo noloshaada ku saabsan.

Hadaba markii aad aqoon sii korosataba waxaa kuu siyaadaya fursado aad ku horumariso waxbarashadaada iyo shaqadaada intaba.

Hadaba sida ugu wanaagsan ee aad aqoontaada ku hormarin kartaa waa in aad wax is bartaa oo wax aqrisataa.  Cilmigu ma laha da, ee haddii aad 80 jir tahay waa in aad mar walbaa wax kororsataa oo mar walba sal balaadhisaa waxa aad baraneyso iyo maadooyinka aad macluumaadka ka korosaneyso.

Jaamacad ama dugsi sare markaad dhiganeyso waxaa wax kuu diraya mar walba waa macalin oo ku dhahaaya waxaan soo diyaari, buugaan soo aqri, sidaan yeel, kan wax ka soo badal. Noloshaas sidaas ah waxaan ku soo jirnay in ku dhow 30 sano. Goorma ayaad adiga wax barasho aad diyaarsatay oo aad isku horumarineyso aqrisaneysaa? Mid aad adiga dejisay ee jaamacad ama cid kale kuu meerin?

Ogow weligaa laba shay kaalay oo hoo cid ku dhahaysa ma jirto: Lacag iyo Cilmi.

Nin walba wuxuu rabaa inuu lacagtaada iyo cilmigaaga ka faa iideysto. Noloshaada dib u fiiri, weligaa imisa jeer ayaa adigoo iska fadhiya lagu yir waryaa hoo lacagtaan ama waryaa kaalay aan wax ku baree. Waxaa qiyaastaa inta lagu yiri kaalay lacag keen ama kaalay dadkaan wax bar ama dhalaali maskaxdaada oo arintaan xal u keen. Waxaa badan inta wax lagaa rabo u baahan lacag ama aqoon, waxaa yar inta adiga lacag ama cilmi aad kororsaneyso.

Marka in aad hal cilmi fooda saartaa waa fiicantahay, laakiin in aad foodsaarkaas uu noqdo mid keli ku kooban hal qayb oo cilmi ah aadana fiirin wax kale waa qalad ayaduna.

Marka ogow aqoontu waa “Transitive” oo waxaa ay ka soo iftiimeysaa wax walba oo aad faraha saarto marka badso in aad nuuc walboo waxbarasha ah aad wax yara ka fahamto ama ka aqrisato. Aqoontu waa ganacsi mar walba wax kuu soo celinaya intay rabtaba ha ahaatee. Marka waa in aan ku da daalnaa barashada cilmiga.

Haddii aadan jecleyn buugaagta aqriskooda ku dadaal in aad la fadhiisato dadka khubarada ah oo aad dhageysato isla markaana aad wax weydiisao.

Ufiirso markii aad safartid ama dhulka mareysid waxyaabaha aad la kulmeyso adiga oo mar walba isku dayaya in aad wax uun ka faa iideysato ummadaha iyo dadkaas cusub ee aad dhex mareyso. Isku day in aad ufiirsato waxa ka jira gurigaaga, caruurtaada, xaaskaaga adiga oo isku dayaya bal in cilmi kaaga kordho.

Dukaamada xaafadaada bal gal, warso dadka leh iyo kuwa gadaaya, warso kan taxi ga magaalada wada, kan dharka dhaqa, kan hotel ka hortiisa fadhiya. Waad yaabi waxa cilmi ah ee kaaga kordha dariiqyadaas aad iska ag mareyso oo moodo in aysan jirin ba.

Waxaa la yiri nimakii saaxiriinta ahaa ee markii nabi Muuse uu ushiisa maska noqotay Islaamay ma is laameen haddii aysan sixir ka si fiican u aqoonin. Anigu hadda sixir barta idin oronmaayo ee waxaan u soo qaatay muhiim nimada in aanan ka caajisin aqriska iyo wax barashada.

Dhinaca kale ma u rogi kartaa?

Dhinaca kale ma u rogi kartaa?

Waxaan leeyahay Jaakad aan dhinacaan rabo u gashado. Dhinac waa midab brown ah dhinaca kalena waa kaaki. Sidaas ayaa loo sameeyey. Marka waxaan ahay nin labo jaakadood leh. Waa fikrad cajiib ah. Waxaan fiiriyey maxaa kale oo sidaan loo gedin karaa?

Waxaan ogaaday in wax badan sidaan laga yeeli karo. Dalka shiinaha waxaa ka jira dhaqaatiir aad lacag bil walba oo caafimaad qabto aad siineyso, bisha aad xanuunsato lacag siin meysid, waayo shaqadooda ayaa ah in ay caafimaadkaaga ka shaqeeyaan!

Shirkad la yiraahdo Better Place waxaa ay soo bandhigtay hab ay gaari electric ah kugu siinayso bilaash waayo lacagta faa iidada waxaa ay ka sameysaa bateriga iyo korontada.

Shirkada Spotify waxaa ay dadka u ogoshay in ay dhageystaan heestay doonaan aduunka markii ay rabaan haddii ay bixiyaan lacag yar oo bil walba ah. Waxaa ay suuqa ka saartay wixii la koobi gareysan jiray iyo wixii CD dadka guryaha u ooli jiray oo dhan.

Shirkadan FreeConferenceCall waxaa ay lacagteeda ka heshaa shirkadaha telefoonada ee macaamiisheeda wax ba kama qaado oo waxaa ay u siiyaan daqiiqado bilaash ah ayadoo ay dadkaas isticmaalaan shirkadaha waa weyn kolkay dibada wacayaan laakiin koonfaransiga waa bilaash.

Sanadihii todobaatameeyadii IBM waxay Microsoft u ogalatay in ay Operating System computer da IBM geliso waayo markaas Software ka wax qiimo ah kuma fadhin oo lacagta waxaa laga sameyn jiray hardware ka. Sagaashameeyadii waxaa ay noqotay in ay hardware kii noqdo mid ku dhow bilaash waayo lacagta waxaa laga sameynaayey Software ka inteeda badan.

Hadda Google waxaa ay software kii u badashay bilaash waayo lacagta waxaa laga sameeyaa xayeysiinta iyo dacaayada.

Nin la yiraahdo Professor Dan Ariely oo ah macalin Psychology iyo Behavioral Economics ee jaamacada Duke ayaa wuxuu afti ka qaaday ardeydiisii. Ardada isma oga, wuxuu ku yiri sidaan. Waxaan garan la’ahay qiimaha aan ka dhigo gabayo aan rabo in aan idiin aqriyi.  laakiin kala bar wuxuu weydiiyey ma bixineysaan $10 doolar qofkiiba haddii uu u aqriyo gabayo gaab gaaban, kuwo dhex dhexaad ah iyo kuwo dheer dheer.

Qaybta kale waxuu weydiiyey ma dhageysaneysaan gabayadaan haddii aan idin siiyo lacag ilaa $10 doolar ah.

Kuwii la yiri meeqa ayaad ogoshihiin waxaa ay soo jeediyeen in ay bixinayaan lacag dhan gabayada gaaban, dhex dhexaad iyo dheer qiime yaashaan $1, $2, iyo $3

Kuwii la yiri lacagta meeqa ayaa la idin siiyaa si aad u dhegeysataan waxaa ay soo ikhtiraaceen qiimahaan $1.30, $2.70, iyo $4.80.

Ganacsigii waxaa uu is gediyey 360 digrii markii la badalay malihii wax lagu miisaamaayey.

Hadaba waa maxay malahaagu (Assumptions)?

Ma laga yaabaa wax badan oo adiga aad lacag kaaga baxdo ay diyaar u yihiin in ay ayagu ku siiyaan lacag?

Ganacsiga aad ku jirto ma laga yaaba in la gedin karo oo dhinac kale faa iidada ka soo bixi karto?

Jaakadeyda waxaan kaloo u isticmaali karaa haddii la isoo cayrsado in aan dhinaca kale u gediyo oo koofi gashado oo noqdo nin kale… Ma laga yaabaa in wax badan aan sidaa nolosheena u gedin karno oo aanan haba yaraatee hadda fiiro gaara aanan u lahayn. Mar mar waa wanaagsantahay in aan miisaano waxyaabaha aan ku ku socono oo habit ka inoo noqday.